X
    Categories: Warar

Xisbiga Muraadka Ee WADDANI Oo Mar Kale Ka Cawday Hawsha Ka Socota Xarunta Komishanka Qaranka Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Saraakiisha Xisbiga Mucaardka ee WADDANI, u qaabilsanaa hawsha ka socota xarunta Komishanka Qaranka, ayaa mar kale ka baxay, isla markaana hakiyay shaqadii ay la wadeen xisbiyada ee hubinta meelo cayiman sanaaduuqda doorashadii dalka ka dhacday Isniintii 13 Nov 2017, taas oo weli natiijadeedu laalantahay.

Warar hordhaca, ayaa sheegaya in saraakiisha Xisbiga WADDANI goor dhowayd hakiyeen hawshii Komishanka, kuwaas oo muran dhexmaray qaar ka mid ah hawlwadeenada Komishanka, balse waxy yar kadib waxa arrinta cabashada soo dhexgalay saraakiishanka Komishanka Qaranka, kuwaas oo dhameeyay cabashadaa, isla markaana waxa dib loo bilaabay hawshii komishanka ka socotay sida ay xaqiiyeen ila wareedyo shebekada Araweelo News Network ka heshay xarunta hawshu ka soco ee Komishanka Qaranka Somaliland.

Wiixii soo kordha kala soco Araweelo News Network

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post