X
    Categories: Warar

Xisbiga WADDANI oo Dacwad ka Dhan ah Kala Qaadista Doorashooyinka u Gudbiyey Maxkamadda Sare

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbiyeen dacwad ka dhan ah go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo saxaafadda la hadlay, ayaa caddeeyey inay dacwadooda u gudbiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxaannu muujiyey inuu kalsooni ku qabo, isla markaana ay xisbi ahaan ku qanci doonaan go’aanka uu ka soo saaro dawcadooda.
“Waxa aannu halkan u nimmi in aannu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland u gudbino sharciga iyo nidaamka ay xukuumaddu ku tumatay, iyo qoraalkii Madaxweynuhu soo qoray oo aannu xisbi ahaan aannu u arkayno inuu yahay wax baalmarsan qaanuunka iyo sharciga dalka oo loo gudbiyey Golaha Wakiillada, iyadoo la baalmaray wixii lagu wada heshiiyey ee qaranku ku wada socday,” ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aannu si aad ah ugu mahadnaqaynaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo si fiican noo qaabilay, noona soo dhaweeyey annaga oo ku kalsoon go’aanka uu gaadho, iyadoo aannu aad ugu hanweynahay in Guddoomiyahan yahay Guddoomiye ku dhaqmaya caddaaladda iyo nidaamka dalkan leeyahay oo aannu is leenahay wax badan ayuu ka soo qabtay muddada uu xilka hayey.”

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post