X
    Categories: Warar

Xisbiga WADDANI oo Muddeeyey Waqtiga uu Qabsoomayo Shirkiisa Golaha Dhexe

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Waqtiga uu qabsoomayo shirka Golaha Dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay, iyadoo shirkaas lagu dooran doono murrashaxiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka uga qaybgeli doona doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan inay ka qabsoonto Somaliland bisha March ee sannadka 2017, haddii Ilaahay yidhaa.
Xoghayaha Golaha Dhexe ee WADDANI oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay in Golaha Fulintu ay go’aamiyeen in shirku ka qabsoomo caasimadda Hargeysa bisha October 2016.
“Waxa aannu doonaynaa in aannu iclaaminno shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga WADDANI, kaasoo qabsoomi doona 1 ilaa 2 bisha October 2016, haddii Ilaahay yidhaa, waqtigaas oo ah maalin Sabti ah iyo maalin Axad ah.
Waxa aannu dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ogaysiinaynaa ee jooga gudaha waddanka amma dalka dibaddiisa inay ilaaliyaan waqtigaas oo ay go’aamiyeen Golaha Fulinta ee xisbiga WADDANI oo iyagu xaq u leh cayimista waqtiga uu qabsoomayo shirka Golaha Dhexe.
Shirka Golaha Dhexe waxa lagu ansixin doonaa heshiisyada xisbigu galo, waxaanna lagu dooran doonaa murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga WADDANI,” ayuu yidhi Xoghayaha Golaha Dhexe ee WADDANI.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post