X
    Categories: Warar

Xisbiga WADDANI Oo Munaasibad Si Balaadhan Loo Abaabulay Kusoo Dhaweeyay Bahweynta Siyaasiyiintii Isbahaysiga Dimuqraadi-doonka KULMIYE Ee Ku Biiray

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Xaflad aad u ballaadhan oo Xisbiga WADDANI uu ku soo dhaweynaayo bahweynta siyaasiyiintii isbedel-doonka dimuqraadiyaddeed ee KULMIYE oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI, ayaa saaka ka dhacday hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Siyaasiyiintan oo hormuud u yihiin wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyada, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, wasiirkii hore ee cadaaladda, wasiirkii hore hawlaha guud iyo guryeynta, wasiirkii hore ee waxbarashada, wasiirkii hore ee biyaha, wasirkii ku xigeenkii hore ee dib-u-dejinta, wasiir ku xigeenkii hore ee ganacsiga, wasiir ku xigeenkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta, agaasimeyaal, xildhibbaan Waabeeye oo ahaa guddoomiye u xigeenkii saddexaad ee KULMIYE, Xildhibbaan Cabdiraxmaan Talyanle oo isna ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee Afraad ee KULMIYE , safiiro iyo siyaasi miisaan culus ka leh saaxadda siyaadda dalka iyo guud ahaan ba geeska Afrika, ayaa saaka munaasibad balaadhan oo soo dhowayn ah ay u sameeyeen xisbiga WADDANI.

Xafladdan oo saaka ka bilaabmantay, ayaa waxa sida oo kale goob joog ahaa guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxaan M.Cabdillaahi Cirro, hoggaanada, guddia fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, xildhibbaano iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan, kuwaas oo dhamaantood shucuur balaadhan ku qaabilay xubnaha siyaasiyiinta kusoo biiray oo nay u arkaan inay yihiin mas’uuliyiin miisaanka culus ku lehaa xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, haatana kusoo biiray Xisbiga WADDANI.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post