X
    Categories: Warar

Xoghayaha Qaramada Midoobay Oo Wax Laga Argagaxo Ku Tilmaamay Waxyaabaha Ka Dhacaya Myanmar Iyo Fadeeexadaha Qaramada Midoobay Horyaal

Araweelo News Network

Antonio Guterres

New York(ANN)-Xoghayaha Qaramada Midoobay Mr. Antonio Guterres ayaa sheegay in xaalado laga argagaxo laga soo sheegayo dadka ka qaxay colaadda Myanmar.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in colaadda ka taagan dalka Myanmar ay dhalisay xaalad qaaxooti oo degdeg ah iyo tacaddiyo ballaadhsn oo xuquuqda Aadamaha  ah.

 

Antonio Guterres, wuxuu sidaa ka sheegay mar  uu la hadlayay Golaha Ammaanka, isagoo uu ugu baaqay xukuumadda Myanmar inay joojiso howlgalka milateri ee dhaliyay in nus milyan qof oo ah Muslimiinta Rohingya ay bishii lasoo dhaafay dalkaasi ka barakacaan.

Waxa uu sheegay in xaalado laga argagaxo ay ka warrameen dadka ka qaxay colaadda Myanmar, isagoo Mr. Antonio Guterres  ugu baaqay xukuumadda dalkaasi inay hay’adaha gargaarka u ogolaato gobolka Rakhine oo ah halka ay mushkiladda ka taagan tahay.

Dhanka kale, baadhitaan ay samaysay BBC, ayaa  su’aal geliyay qaabka ay Qaramada Midoobay ula tacaashay dhibaatada haysata Muslimiinta Rohingya.

Dukumiintiyo si hoose loo dusiyay, ayaa muujinaya in sanadihii ka horreeyay inta aanay xiisaddan soo shaac bixin, ay mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay u jooga Myanmar horjoogsan jireen cid kasta oo ka hadasha dhibaatada qowmiyadda Rohingya ay kala kulanto dowladda Myanmar, taas oo fadeexad ku noqonay Qaramada Midoobay.

Saraakiisha Qaramada Midoobay, ayaa kula taliyay ururada xuquuqda Aadamaha  in aanay booqan deegaannada ay dhibaatadu ka jirto.

Balse War qoraal ah oo uu soo saaray madaxa Qaramada Midoobay u fadhiya Myanmar, ayaa lagu sheegay in arrintaasi aanay jirin, isla markaana ay mudnaanta koobaad siiyaan ilaalinta xuquuqda Aadamaha .

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post