X
    Categories: Warar

Xukuumadda Boqortooyadda Sucuudiga Oo Difaacday Go’aanka Cunsuriyada Ku Dhisnaa Ee Donald Trump

Araweelo News Network

Riyadh (ANN)- Wasiirka shidaalka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in boqortooyadu ay si dhaw ula shaqayn doonto maamulka cusub ee Madaxweynaha Maraykanka, wuxuunaTrump ku amaanay taageerada uu u muujiyay isticmaalka gaaska dabiiciga ah ee dhulka laga soo saaro.

Khalid al-Falih ayaa BBC-da u sheegay in aanay xaqiiqo ku salaysnayn siyaasaddii Barack Obama ee ahayd in la isu dheeli tiro isticmaalka shidaalka dhulka laga soo saaro iyo tamarta la cusboonaysiin karo ee laga dhaliyo waxyaabo ay ka mid yihiin cadceedda iyo hawada.

Obama ayaa hore u sheegay in tamarta la cusboonaysiin karo ay sare u qaadi doonto dhaqaalaha Maraykanka iyo kan Sacudigaba.

Khalid ayaa dhanka kalana difaacay xayiraadii socdaalka ee Donald Trump isaga oo sheegay in dal walba uu xaq u leeyahay cidhibtirka halista dadkiisa haysata.

Wasiirku wuxuu sheegay in uu ku kalsoon yahay in labada dal oo wada jira ay ka hortagi karaan caqabadaha gobolka iyo kuwa caalamka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post