X
    Categories: Warar

Xukuumadda Ethiopia Oo Dalka Kusoo Rogtay Xaalad Deg-deg ah Kadib Banaanbaxyo Rabshado Wata Oo Hadheeyay Deegaanka Oromiya

Araweelo News Network

Adis Ababa9ANN)Xukuumadda Dalka Ethiopia, ayaa ku dhawaaqday inay dalka oo dhan gelisay xalad deg-deg ah (State of emergency) ka dib markii ay si xidhiidh ah u socdeen dhawrkii bilood ee u danbeeyay banaanbaxyo rabshado wata oo sababay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana saamayn ku yeeshay xaalada guud ee dalka, amaanka iyo ganacsiga.
Banaanbaxyada rabshadaha wata oo xukuumadda looga soo hor jeedo, ayaa ruxay gobolka dalkaas ugu weyn ee Oromiya iyo gobolka kale Amharia, waxayna taasi sababtay in Xukuumadda Ethiopia ee Federaalku maanta ku dhawaaqdo go’aan ay dalka ku gelisay xaalad deg –deg ah (state of emergency), muddo Lix bilood oo xaalad degdeg ah. Sidaana waxa warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta iyo Tignoolojiga Mr. Debretsion Gebremichael.

, Rabshadaha oo si xidhiidh ah u socday tan iyo sanadkii hore, ayaa sii xoogaystay, iyadoo dadku dalbanayaan inay helaan cadaalad iyo xaqsoor, waxaana xaaladu faraha kasii baxday markii todobaadkii hore ku dhowaad 100 qof ku dhinteen xaflad-dhaqameed ay Oromadu lahaayeen, balse xukuumadda ayaa sheegtay in aanay tirada dadka ku dhintay xafladaa ahayn inta ay mucaaradku sheegayaan, balse ay ahaayeen 50 qof.

Ethiopia waxa mudadii ay socdeen banaanbaxyada rabshadaha wataa ku dhintay tan iyo November 2015, Ugu yaraan 500 oo qof, waxaana todobaadyadii u danbeeyay dalka Ethiopia waajahay xaalad cabsideeda leh, iyadoo Xukuumadda Ethiopia lagu canbaareeyay sida ay ula macaamilay dadka mudaharaadyada wada, kuwaas oo lagu canaantay inay u adeegsatay awood ciidan.

Banaanbaxyada socday maalmihii u danbeeyay waxay dadka mudaharaadayay bur-buriyeen Wrershedo ay leeyihiin dad ajaanib ah oo maalgashi ku sameeyay dalka, xarumo Boolis oo la gubay, gaadiidka dawlada iyo ugu yaraan gabadh u dhalatay dalka Maraykanka oo lagu dilay halkaa, waxayna xukuumadda Ethiopia ku eedaysay rabshadahaa iyo dibadbaxyadaa inay wadaan kuwo aan dalka joogin oo sida ay sheegtay qallalaase doonaya inay ka abuuran dalka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post