X
    Categories: Warar

Xukuumadda Ethiopia Oo Jawaab Ka Bixisay Fariin Culus Oo Kaga Timi Qarammada Midoobay

Araweelo News Network

Addis Ababa (ANN)- Qarammada Midoobay, ayaa ka dalbatay dawladda Itoobiya inay ogolaato in kormeerayaal caalami ah ay baadhitaan ku sameeyaan sababta keentay in la dilo 90 qof oo ka mid ahaa mudaraadayaal ka soo jeedaha qoomiyadaha Oromada iyo Amxaarada toddobaadkii la soo dhaafay.
Sida lagu baahiyey telefiishanka Al-jazeera oo Jamhuuriya soo xigtay, masuulka ugu sareeya hay’adaha dhinaca xuquuqal-insaanka u qaabilsan Qarammada Midoobay Mr. Zeid Raad Al Hussein, ayaa sheegay inay waajib tahay in si heer caalami ah baadhis loogu sameeyo awoodo xad-dhaaf ah oo dawladdu u adeegsatay mudaharaadyo ka dhacay Itoobiya toddobaadyadii la soo dhaafay.
“Adeegsiga rasaasta nool ee lagala hortagay mudaharaadka qoomiyadaha Oromada iyo Amxaarada, waxay annaga noo muujisay walaac xoog leh, waxaanna muhiim ah in si buuxda baadhis caalami ah loogu sameeyo dilka loo gaystay dadka mudaharaadayaasha ah,” ayuu yidhi Madaxa Hay’adda Xuquuqal-insaanka ee Qarammada Midoobay.
Hasa yeeshee, Afhayeen u hadlay dawladda Itoobiya oo la yidhaha Getachew Reda, ayaa jawaab diidmo ah ka bixisay codsiga uga yimi UN-ka, kaasoo xusay in dawladdu masuul ka tahay bad-qabka muwaadiniinteeda, sidaas darteedna aanay daruuri ahayn in la soo diro baadhayaal caalami ah.
“Dawladdu iyada ayaa masuul ka ah dadkeenna, annaga ayaana samayn doona baadhis noo gaar ah oo aannu ku eegayno in ciidanka ammaanku ay awood xad-dhaaf ah u adeegsadeen mudaharaadka, taasna waxa aannu samayn doonaa annaga oo la-tashi la samaynayna dadka degaanka.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka u hadlay Dawladda Itoobiya oo waraysi siiyey telefiishanka Al-jazeera.
Waxa kaloo uu sheegay in kooxo uu ku sifeeyey inay argagixiso yihiin ay masuul ka ahaayeen kicinta dadweynaha si ay khalkhal u geliyaan dalka Itoobiya, kuwaasoo aannu caddayn magacyadooda, balse uu xusay inay ku nool yihiin dibadda dalka Itoobiya.

Dhinaca kale, kooxaha mucaaridka ku ah dawladda Itoobiya, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in ilaa 50 qof la dilay, kadib markii ciidanka ammaanku awoodo dheeraad ah oo ka baxsan sharciga u adeegsadaan dadka mudaharaadayaasha ah, halka sidoo kale ay Hay’adda Amnesty International ka sheegay in dhimashadu kor u dhaaftay ilaa 97 qof.
Qoomiyadda Oromada, ayaa muddo dhawr bilood ah mudaharaadyo ka sameeyey degaannada ku hareeraysan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, iyadoo ay toddobaadyadii u dambeeyeyna mudaharaadka ku biireen qoomiyadda Amxaarada, kuwaasoo soo bandhigay cabashooyin ay ka tirsanayaan xukuumadda dhexe ee Itoobiya.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post