X
    Categories: Warar

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Oo Sheegtay In Aan Deyn Lagu Yeelanayn Sanadka 2017

Araweelo News Network

Ra’iisal wasaare Khayre

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda. ayaa sheegay in xukuumaddu ay sanadkan xoogga saartay isla-xisaabtan iyo daah-furnaan.

Mudane Xasan Cali Khayre waxuu rajo ka muujiyey sanadka soo socda ee 2018 Soomaaliya inay u noqon doonto mid ay ka gudubto musuqmaasuqa ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana la gaadhi doono nidaam ku dhisan isla xisaabtan sharcigu sareeyo.

“Xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, waxaan rajeynayaa sanadkan 2017 in dawladda aan wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka”.Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Khayre.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay Wasaaradda Maaliyadda in lasii xoojiyo qorshaha la dagaalanka musuqmaasuqa. Iyadoo ay Kormeerkan Ra’iisal Wasaaraha ku weheliyeen xubno ka tirsan golleyaasha dawladda.

—DHAMMAAD—-

Axmed-nur Maxamed
Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya
ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post