X
    Categories: Warar

Xukuumadda Khayre Ee Soomaaliya Oo Qayla-dhaan La Xidhiidha Fatahaada Webiyada

Khayre

Muqdisho(ANN)–Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo deegaannada dalka ee fatahaaddu dhibaatada badan ka geysteen.

Mudane Xasan Cali Khayre oo warqad u diray dhamaan dowladaha saaxiibka ah Soomaaliya iyo hey’addaha caalamiga ah, ayaa sheegay in dowladda ay bixisay jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto, hase yeeshee xaalladda hadda taagan ay u baahantahay in si wadajir ah laysaga kaashashado, maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa caddeeyay in daadadka oo saameeyay deegaaano ka tirsan Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ay 85% magaalada Beledweyne ku fataheen, ayna sababeen dhimasho, barakac baahsan, burburiyeen kaabayaal dhaqaale, ugana sii dareen xaaladii bini’aadninimo ee horay u taagneyd, lana filayo in maalmahaan roobabku sii socodaan, biyaha wabiguna ay sii sare marayaan, arrintaas oo sababeysa daadad dheeraad ah.

Mudane Xasan Cali Khayre oo adkeeyay in haddii si dhaqsa ah aan ficil loo qaadin ay xaaladu kasii dari karto, ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay inay maal geliyaan xalka waara ee mustaqbalka si looga gaashaanto dhibaatooyin nuucaan oo kale in ay dalka kusoo laabtaan.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post