X
    Categories: Warar

Xukuumadda Oo Sababaysay Xadhiga Xoghayaha Arrimaha Gudaha Ee UCID

“Xadhiga Ramaax waxaa loo maray sharciga, waxaana loo jaray Waaran,” Gaashaanle sarre Faysal Xiis


Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Xadhiga Xoghayihii Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo maanta Xabsiga loo taxaabay.


Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle sarre Faysal Xiis oo galabta warbaahinta kula hadlay Xarunta CID, ee baadhista Denbiyada, ayaa sheegay in Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax loo xidhay denbi shaqsi ah, kadib markii sida uu sheegay uu Ramaax Aflagaado iyo ceebayn u geystay Guddiimiyaha Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax.
Gaashaanle sarre Faysal Xiis, wuxuu sheegay in Ramaax yidhi, Guddoomiye Baashe wuxuu xidhiidh la leeyahay dad cadaw ku ah Somaliland, waana fal-denbiyeed, waana denbiga uu ku xidhanyahay ayuu yidhi, wuxuuna xusay in denbigaas sida ay dhigayaan qodobada 268 XQ iyo 385XQ, sidaa awgeed la horgeynayo Maxatsalkiamadda iyo xeer-ilaalinta awooda u leh, balse Taliye Faysal, wuxuu sheegay in waxyaabaha kale ee Ramaax sheegayo maaha waxaan ognahay ayuu yidhi, Faysal Xiis.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post