X
    Categories: Warar

Xukuumadda Soomaaliya Oo Weyday Dhaqaalihii Ay Ka Heli Jireen Dawladda Turkiga

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegtay in Dawladda Turkiga oo ahayd ilaha ugu muhiimsan ee ay dhaqaallaha ka helaan ay ka jartay Xukuumadda Farmaajo, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliy Cabdiraxman Ducaale Beylle ayaa sheegay in aan xiligan wax dhaqaalle oo buuran uga imman dibadda.

Xukuumadda Soomaaliya, waxay sheegtay ballan qaadyo ay horre ugu sameeyeen beesha caalamka, taasoo sababtay in aanay inta badan shaqaalaha Dawladdu aanay qaadan dhawr bilood wax mushahar ah, marka laga reebo qadar laba bilood mushaharkooda oo ay xukuumadda Ra’iiisal wasaare Kheyre bixisay.

Dowladda Turkiga oo ahayd ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaallaha ay hesho dowlada Federaalka ayaa la sheegay in muddo ka baddan seddax bilood aanay wax lacag ah siin Xukuumadda Farmaajo.

“Saddex bilood ma bixin Turkiga lacagtii laga sugayay, waxay noo sheegeen in labo milyan iyo badh dollar ay bixinayaan, balse wali nama soo gaadhin”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mr. Beylle.

Dhinaca kale Xukuumadda Turkiga ayaa markii la doortay Madaxweyne Farmaajo u ballanqaaday in ay bil walba lacag 2 Milyan oo dollar ah ay siin doonaan Dawladda Federaalka, balse Xukuumadda Turkigu ma fulin balanqaadkaa, mana jiro ilaa hadda war cad ay oo xukuumadda Turkigu kasoo saartay arrintaa.

Turkigu, wuxuu gacanta ku hayaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho iyo Dekadda oo ah ilaha dakhli ee ugu muhiimsan , kuwaas oo ay maamulaan Laba shirkadood oo Turkiga laga leeyahay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post