X

Somaliland: Golaha Wasiirrada Oo Ka Hadlay Arrimo Xaasaasi Ah Iyo Xaaladda Dalkaย 

๐–๐€๐‘ ๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Maxaa kasoo baxay Shirka Madaxweynuhu Guddoomiyay?

Hargeysa (ANN)-Fadhigii 17-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxana lagaga wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka Somaliland, qodobadaย  waxa ka mid ahaa:

(๐Ÿ) Warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, isoo Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku sugan yahay, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka oo run ahaantii la odhan karo waa aafo-qaran, maaddaama ay sababaan dhimashada iyo dhaawaca ugu badan ee dalkeena ka dhaca.

(๐Ÿ) Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa isaguna Golaha siiyey warbixin guud oo la xidhiidha xaaladaha dhaqaale ee dalka iyo hab-sami-u-socodka ururinta cashuuraha GST iyo kobcinta Dakhliga Qaranka. Wasiirku waxa kale oo uu Golaha la wadaagay in Guddi hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada ay magacaabeen Guddi Farsamo oo soo diyaarisa Qorshaha, Siyaasadda iyo Xeerarka lagama maarmaanka u ah kobcinta Dhaqaalaha Qaranka JSL .

๐Ÿ‘) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda oo ka tirsan Guddida Qaban-qaabada ayaa Golaha uga xog warramay diyaar-garowga Xuska 34-aad ee 18 May. Wasiirku waxa uu si faah-faahsan uga hadlay qaybaha ay ka koobnaan doonaan Munaasibadaha dabaal-degga18-ka May.

Wasiirku waxa uu soo bandhigay Hal-ku-dhigga Sannadkan oo ah (๐†๐š๐œ๐ฆ๐จ ๐–๐š๐๐š-๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐š, ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐‡๐š๐ง๐ญ๐š๐š), kaasoo ku salaysan Qorshaha Xukuumadda Wada-jir iyo Waxqabad. Wasiirku waxa uu faah-faahiyey in Xuska 18-ka May ee Sannadkani uu noqon doonomid ka duwan sannadihii hore, iyada oo la soo kordhiyay waxyaabo badan oo cusub oo lagu waynaynayo Maalinta Qarannimada iyo Waddaniyadda ee Shacbiga JSL.

๐Ÿ’) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay bulshada Somaliland si mug leh ugu soo bandhigayso waxqabadka 100-ka maalmood, taasoo leh maqal, muuqaal iyo qoraalba. Sida oo kale, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada waxa uu Golaha u sheegay in wejigii 1-aad ee Diwaangelinta Biometric-ga ah ee Qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranku ay si guul ah ku soo gabagabowday, intaa kadibna loo gudbi doono wejiga 2-aad.

๐Ÿ“) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka ayaa Golaha uga xog warramay arrimaha iyo asbaabaha keena
Shilalka Gaadiidka oo run ahaantii la odhan karo waa aafo-qaran. Wasiirradu waxa ay sheegeen in Shilalka Gaadiidka ay yihiin kuwa sababa dhimashada iyo dhaawaca ugu badan ee dalkeena ka dhaca sannad walba.

Intaa kaddib, Xubnaha Golaha Wasiirrada waxa ay dood dheer oo aan loo kala hadhin ka yeesheen arrimaha keena Shilalka Gaadiidka xad-dhaafka ah iyo xal-u-helidda mushkiladan iyo sidii Xukuumad ahaan loo qaadi lahaa tallaabooyin lagu yaraynayo Shilalka Gaadiidka. Goluhu waxa ay isla garteen in arrintan la siiyo mudnaanta ay leedahay, isla markaana la sameeyo cilmi-baadhis qoto dheer oo lagu darsayo arrintan.

๐Ÿ”) Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ayaa Golaha uga xog warramay safar shaqo oo uu ku tagay Xeebaha Gobolka Salel, gaar ahaan labada magaalo xeebeed ee Saylac iyo Lughaya. Wasiirku waxa uu si qoto dheer uga warbixiyey caqabadaha ka jira deegaannada uu booqday, gaar ahaan xagga isu-socodka iyo horumarka bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii looga faaโ€™iidaysan Khayraadka kala duwan ee Gobolka Salel, gaar ahaan horumarinta Adeegga, Agabka iyo Xirfadaha Kalluumaysiga.

๐Ÿ•) Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu Golaha la wadaagay xog warran guud oo khuseeya habsami u socodka Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah ee Gobollada Sanaag, Galbeedka Sool, Saraar iyo Togdheer kuwaasoo meel wacan maraya, gabagabona ku dhaw. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu Golaha u sheegay in nabadayntii Ceel-Afweyn ay marayso meel wacan.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

ย 

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us onย Twitter@Araweelonews

Follow us onย /instagram@araweelonews

Follow us on TikTokย /ย Tiktok.com/@araweelonews

Follow us onย /araweelonews.tumblr.com

Join our Telegram Channelย https://t.me//araweelonews

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos:ย https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channelย AraweeloTvย To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ย 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post