X

Suxufiyiin Maraykan Ah Oo La Khaarajiyay Xili Ay Warar Tebinayeen Gudaha Gobolka Virginia

Virginia(ANN)Warbaahinta Maraykanka iyo kuwa Caalamiga ah ayaa laga soo daayay dhacdo lagu khaarajiyay Laba wariye oo u dhashay dalka Maraykanka, kuwaas oo lagu toogtay gobolka Virginia ee Maraykanka, iyagoo si toos ah waraysi u siinaya telefishinka oo ka waramaya dhacdo ay tebinayeen.

Alison Parker iyo Adam Ward, oo ah wariye iyo sawir qaade telefishin oo u shaqaynayay telefishin la shaqeeya CBC ee magaalada Moneta ee Bedford County, ayaa la rakayay tacshiirado rasaas ah oo haleelay, iyadoo dadkii daawanayay dhacdada ay baahinayeen ka hor intii aan la toogan toos ula socdeen.

Boliiska gobolka Virginia ayaa sheegay ninkii dilay wariyayaasha, Vester Lee Flanagan, inuu is dilay isagoo boliiisku eryanayaan dhowr saacadood kadib.

Vester ayaa horay uga shaqayn jiray telefishinka uu weeraray. Wuxuu dilay Alison Parker iyo Adam Ward iyagoo xilligaa waraysanaya Vicki Gardner oo ah ganacsato ah, isla markaana dhaawac culus uu kasoo gaadhay weerarkaa Ninka hubaysan ee galaaftay labada weriye.

Dhacdadan ayaa la yaab ku noqotay dadkii daawanayay ee la socday waraysiga ay weriyayaashu soo tebinayeen, waxayna dadka ku abuurtay argagax.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post