X

Shirkadda Al-Ikhwa Oo Deeq Ku Wareejisay Ciyaartoyga Gobolka Sanaag

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Al-Ikhawa General Trading Company oo ka mid ah shirkadaha ugu caansan ee wax-soo-waarida Somaliland, ayaa deeq dhammeystiran isugu jirta garaan iyo kabo kuwa ciyaartoyga ah ku wareejiyey ciyaartoyga Gobolka Sanaag.


Deeqdan ay Shirkadda Al-Ikhawa General Trading Company ku wareejisay ciyaartoyga Gobolka Sanaag oo xilligan ka qeybgalaya tartanta wareegii labaad ee ciyaaraha kala duwan ee Gobollada Somaliland oo ka socda Hargeysa.

Shirkadda Al-Ikhawa General Trading Company waxay guddoonsiiyey ciyaartoyga Gobolka Sanaag qeybahooda kala duwan direys dhammeytiran; iyada oo ciyaartoyga kubadda cagta oo ka kooban 24 ciyaartoy, ciyaartoyga kubadda kolayga 12 iyo 6 ciyaartay ciyaaraha fudud uga qeybgalaya.

Dhinaca kale, maamulka iyo ciyaartoyga Gobolka Sanaag, ayaa iyaguna si kal iyo laab ah uga mahadnaqay Shirkadda Al-Ikhawa General Trading Company ee guddoonsiiyey deeqdan ay kaga qeybgalayaan tartanta wareegii labaad ee ciyaaraha kala duwan ee Gobollada Somaliland.

Deeqdan ay bixisay Shirkadda Al-Ikhawa General Trading Company, ayaa noqonaysa mid lagu dhiirrigelinayo dhallinyarada ciyaaraha Somaliland ee ka qeybgalaya tartanta wareegii labaad ee ciyaaraha kala duwan ee Gobollada Somaliland, gaar ahaan ciyaartoyga Gobolka Sanaag uga tartankan ka socda Hargeysa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post