Araweelo News Network

ciyaartodasanaag4Hargeysa (ANN) Al-Ikhawa General Trading Company oo ka mid ah shirkadaha ugu caansan ee wax-soo-waarida Somaliland, ayaa deeq dhammeystiran isugu jirta garaan iyo kabo kuwa ciyaartoyga ah ku wareejiyey ciyaartoyga Gobolka Sanaag.

ciyaartodasanaag6

ciyaartoydasanaag2
Deeqdan ay Shirkadda Al-Ikhawa General Trading Company ku wareejisay ciyaartoyga Gobolka Sanaag oo xilligan ka qeybgalaya tartanta wareegii labaad ee ciyaaraha kala duwan ee Gobollada Somaliland oo ka socda Hargeysa.
ciyaartodasanaag4

ciyaartoydasanaag1

Shirkadda Al-Ikhawa General Trading Company waxay guddoonsiiyey ciyaartoyga Gobolka Sanaag qeybahooda kala duwan direys dhammeytiran; iyada oo ciyaartoyga kubadda cagta oo ka kooban 24 ciyaartoy, ciyaartoyga kubadda kolayga 12 iyo 6 ciyaartay ciyaaraha fudud uga qeybgalaya.

Dhinaca kale, maamulka iyo ciyaartoyga Gobolka Sanaag, ayaa iyaguna si kal iyo laab ah uga mahadnaqay Shirkadda Al-Ikhawa General Trading Company ee guddoonsiiyey deeqdan ay kaga qeybgalayaan tartanta wareegii labaad ee ciyaaraha kala duwan ee Gobollada Somaliland.
ciyaartodasanaag5
Deeqdan ay bixisay Shirkadda Al-Ikhawa General Trading Company, ayaa noqonaysa mid lagu dhiirrigelinayo dhallinyarada ciyaaraha Somaliland ee ka qeybgalaya tartanta wareegii labaad ee ciyaaraha kala duwan ee Gobollada Somaliland, gaar ahaan ciyaartoyga Gobolka Sanaag uga tartankan ka socda Hargeysa.