Araweelo News Network.

Paris (ANN)- Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Cagta Faransiiska Noel Le Graet ayaa difaacay dalka Qatar oo martigelinaya Ciyaaraha Koobka Adduunka ee 2022, wuxuuna sheegay inuu jiro “Olole xad dhaaf ah” oo ka dhan ah dalka Qatar.

 

Noel Le Graet, wuxuu Waraysi uu siiyay Telefishanka Faransiiska ee RTL, Le Graët ku yidhi, “Waxaan aaminsanahay in dalkan Qatar uu yahay,  waxa uu yahay. Waxaanse eegayaa dhinaca kubbadda cagta. Siyaasiyiinta ayay u taallaa inay shaqadooda qabsadaan.” Ayuu yidhi.

 

 

Qaabka uu uga faalloday arrimaha ayaa ka tarjumaya dareen la mid ah kii Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino muujiyay, isagoo ka codsanaya waddamada ka qayb galaya inay diiradda saaraan kubbadda cagta”.

 

Dalka yare e Qatar ayaa sannadkii 2010, ku guulaysatay marti-gelinta tartanka kubbadda cagta adduunka 2022, balse tan iyo markaas waxa ay la kulantay dhaleecayn badan oo ku aaddan xuquuqda shaqaalaha, bulshada LGBTQ iyo kuwa kale. Si kastaba ha ahaatee, khubaro baddan ayaa sidoo kale ku eeddeeyay reer Galbeedka munaafaqnimo qaabkii Qatar loo beegsaday. Waddanku waxa kale oo uu la kulmay dhawaaqyo cunsuriyad ku salaysan, faallooyin dhammaantood u muuqda kuwo si toos ah loogu cunsuriyaynayo Qatar, kuwaas oo uu ku jiro kartoon Faransiis ah dhawaan la daabacay.

 

Hase yeeshee Waraysiga Le Graët waxa uu tilmaamay in Qatar iyo France ay leeyihiin iskaashi dhaqaale oo xooggan. “Labada dawladood waxay ilaa hada leeyihiin  heshiis aan xumayn,” ayuu yidhi. Kaddib waxa uu tusaale u soo qaatay lahaanshaha ganacsadaha Qatar ee Nasser bin Ghanim al-Khelaifi ee kooxda kubbadda cagta Faransiiska ee Paris Saint-Germain.

 

Le Graët ayaa sidoo kale ku ammaanay Qatar Koobka Adduunka guul ilaa hadda, “caddeyntu waxay tahay in rikoodhka [TV] la garaacay fiidnimadii Salaasada; huteelada yar yar (bistros) iyo maqaaxiyaha ayaa la buuxiyay oo la camiray meel walba”. Maamulaha kubbadda cagta Faransiiska ayaa mar sii horeysay sheegay inuu doorbidi lahaa kabtanka France Hugo Lloris in aannu xidhan calaamada “One Love” ee Koobka Adduunka.

 

Kabtannada todobada kooxood oo Yurub ah, ayaa qorshaynaya inay xidhtaan oo garbaha soo saaraan Midabka qaanso-roobaadka (waa Calaamada la mamnuucay), taasoo qayb ka ah ololaha anshax-xumada ee la doonayay in lagu muujiyo ciyaaraha, balse Kabtanada ayaa ka laabtay kaddib markii FIFA ay ku hanjabtay in laga qaadayo tallaabo anshax-marineed.

 

“Ma ahan in aannan taageersanayn cududdan, laakiin mararka qaarkood waxaan u malaynayaa inaan rabno inaan wax u dhigno kuwa kale,  si aan sidoo kale u eegno waxa ka dhacaya waddankeena,” Le Graet ayaa yidhi, Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Cagta Faransiiska.

SOURCE: AL JAZEERA

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com