Araweelo News Network.

Riyadh(ANN)-Kumanaan muwaadiniinta Sacuudiga ah, ayaa ku qulqulaya Garoonka Caalamiga ah ee Koobka Adduunka ee ka socda dalka Qatar  ee ay jaarka yihiin.

Garoonka sida cajiibka ah loo dhisay ee Al Beyt Staduim (Stadium 974 ), ayaa waxaa laga yagleelay degmada “Raas Abu Cabuud”,  oo ku taal dhanka bari ee caasimadda dalka Qatar, iyadoo loo qorsheeyay inuu qaado ugu yaraan 45, 000.

 

 

Hase yeeshee watbaahinta Carabta, ayaa muujinaysa niyad-jabka ku dhacay muwaadiniinta Sacuudiga, waxayna Taageerayaasha Sacuudigu durba gaadheen Garoonka  ciyaaraha, kuwaas ku lebisan midabada labada Calan ee labada dal, taas oo ay weheliso, iyadoo madaxda labadaa waddan ay sameeyeen bandhig ay si cad u taageerayaan midba midka kale, waxayna arrintaasi si cad u muujisay xdhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Qatar oo martigelinaysa iyo dalka ay deriska yihiin ee Sacuudiga.

Labada dal waxay u muuqdaan inay arrimahoodu ku xidhan yihiin murran xiiso leh oo ku saabsan baahinta, taas oo ka dhigtay inta baddan ciyaaraha Koobka Adduunka in aannay heli karin daawadayaasha Sucuudiga.

Macaamiisha Telefishanka Tod TV ee fadhigoodu yahay Sucuudiga, ayaa haystay adeegga baahinta ee ay billowday bishii January  kooxda Qatar ee lagu magcaabo  beIN Media Group, kuwaas oo leh xuquuqda tartanka Bariga dhexe,  balse BeIN, ayaa si lama filaan ah looga xannibay madasha saacad ka hor furitaanka tartanka Axaddii hore. sida lagu baahiyay Telefishanka Faransiiska ee France24.

Arrinta ayaa si cad u muujisay in aannay macquul ahayn in dadka Sacuudigu aannay daawanayn markii dhaxal sugaha dalkooda Maxamed Bin Salmaan oo xidhan shaadhka Qatar, la siiyay kursi ku xiga madaxwaynaha FIFA Gianni Infantino, kaas oo laga xayuubiyay Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani oo ah Amiirka dalka Qatar oo iyagu martigeliyay koobka Aduunka ee 2022.

 

La xidhiidha: Guddoomiyaha Xidhiidha Kubbadda Cagta Ee Faransiiska Oo Ka Hadlay  Dagaalka Cunsuriyada Ah Ee Lagu Qaaday Dalka Qatar

 

Aragtida ah in Amiir Maxamed uu door muuqda ka ciyaarayo Koobka Adduunka waxay ahaan lahayd wax aan la qiyaasi karin laba sano ka hor, markii uu hoggaaminayay qaadacaada gobolka ee ka dhanka ah Qatar,  sidoo kele, markii muddo sannado ah ay samaynayeen shabakad budhcad-badeed ah, kuwaas oo Sucuudigu taageero ay si wax ku ool ah u xadeen balaayiin doolar, waxayna labada dal in baddan isku maandhaaf sanaayeen arrintaa, iyadoo qiimaha nuxur ahaan beIN Tan iyo markii uu kasoo dhalaalay xidhiidhka labada dal oo soo hagaagay uu gaadhay ilaa heer uu Sucuudigu ka fekero in uu saami ka iibsado beIN; waxayna labada dal hore heshiis suuqgeyn ah uga wada gaadheen arrintaa, kaas oo dhan 130 milyan oo dollar oo ay la saxeexatay shirkadda Qatar.

In kasta oo ay arrintaasi jirto mas’uuliyiinta beIN, waxa ay la yaabeen in ay helaan madal ay ku sii qulquli lahaayeen oo ay hakiyeen maamulayaasha warbaahinta Sacuudi Carabiya.

BeIN ayaa ka codsatay FIFA, wasiirka ciyaaraha Sacuudiga iyo dowladdaha Maraykanka iyo Britain si ay u helaan qaab ay ku heli karaan adeegyadooda, laakiin ilaa hadda ma cadda sababta tallaabadan looga qaaday waddan ay si adag uga socdaan ciyaaraha kubadda cagta.

Joojinta Sacuudiga ee BeIN, ayaa sababtay kumanaan taageerayaal kubbadda cagta ah oo Sacuudiyaan ah ay  ku soo qulqulaan xadka ay wadaagaan Qatar, si ay isaga xaadiriyaan garoonka Ciyaarahu ka socdaan.

Amiirka Qatar ayaa xidhtay Isniintii shamaca Sacuudi Carabiya intii lagu guda jiray guushii layaabka lahayd ee Sacuudi Carabiya ay ka gadhay kooxda kasoo jeeda mid ka mid ah dalalka caanka ku ah Ciyaaraha aduunka oo ahaa Argentiin oo awood ku lahayd taariikhda kubbadda Cagta Aduunka.

 

Fariinta ay helayaan macaamiisha ee rasmiga ah ee ilaa hadda jirta, ayaa ah mid ka soo baxday wasaaradda warbaahinta, taas u sheegaysa macaamiisha isku dayaya inay galaan akoonadooda si ay daawadaan Ciyaaraha Aduunka ee 2022, in shabakadda loo joojiyay si xadgudub ah oo aan la cayimin inta ay xayiraadu soconay.

Sidoo kale, Macaamiisha Sucuudiga ayaa baraha bulshada buux dhaafiyay,  iyagoo soo gudbinaya cabasho la xidhiidha sababta  aannay u helin daawashada Ciyaaraha Aduunka,  halka shirkaddaha qalabka elegtarooniga ee qalabka TV-ga Tod isticmaalayaa ay sidoo kale jawaabo ka dalbadeen laanta beIN eeTod.

Qaar ka mid ah macaamiisha, ayaa dalbanaya in lacagtoodii loo celiyo, markii ay waayeen Ciyaarta, iyadoo mid ka mid ah u sheegay AFP, in wixii hadda ka danbeeya uu dalbanayo lacagtii laga qaaday oo ahayd Bishii 300 lacagta Sacuudiga ah ee Riyaalka, taas oo u dhiganta ( $80).

Shabakadda Tod, ayaa awooddi wayday inay bixiso jawaabo lagu qanco, iyadoo aan garanayn sababta tallaabada loo qaaday. Todobaadkan ayay ahayd markii Amiir Maxamed uu ku amray dhammaan hay’addaha dowliga ah ee Sacuudiga inay ku taageeraan Qatar dadaalkeeda ku aaddan martigelinta Koobka Adduunka.

“Arrimo ka baxsan xakamaynta awgood, waxaa naga maqan Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taas oo hadda saamaynaysa TOD.TV, oo ah lamaanaha rasmiga ah ee xidhiidka FIFA World Cup Qatar 2022. Macluumaad dheeraad ah ayaa la bixin doonaa isla marka ay dhacdo in la heli karo,” sidaa waxa qoray hawlwadeenada Tod TV, oo isku deyaya in ay ugu yaraan jawaan u helaan cabashooyinka macaamiishooda Sacuudiga ee awoodi waayay in ay daawadaan Ciyaaraha ka socda dalka ay jaarka yihiin ee Qatar.

 

Dhankeeda Wasaaradda warbaahinta Sacuudi Carabiya kama jawaabin E; milka faallooyinka. FIFA, oo aad ugu dhow Sacuudiga, isla markaana ku gidhiirigelisay Boqortooyada Khaliijka inay u soo bandhigto Koobka Adduunka 2030, sidoo kale,  kama jawaabin codsi faallo ah oo kale oo lagu dalbanayo arrintaa, sida ay warbaahinta New York Times daabacday.

Dr Majid bin Abdullah Al Qasabi, ayaa ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Sacuudiga, isagoo sidoo kale,  xubin ka ah guddida Sanduuqa Maalgelinta Dadweynaha ee Sacuudi Carabiya, oo ah hay’adda hadda keliya ee xilligan ku hawlan wadahadallo lagu iibsanayo saamiga beIN.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com