X
    Categories: Qubanaha

Sababaha Bilyaneerka Bill Gate ugu Diiday Ubadkiisa in ay Dhaxlaan Hantidiisa

Araweelo News Network

Ninka adduunka ugu maalqabeensan Mr. Bill Gate oo u dhashay waddanka Maraykanka, ayaa go’aansaday inuu hantidiisa oo dhan £70 Bilyan oo lacagta Ingiriiska ah uga tago dadka saboolka ah marka uu dhinto. Waxa uu xusay in ubadkiisa arrintaas caawin doonto.
Bilyaneer Bill Gates oo leh saddex carruur ah oo la kala yidhaa Jennifer, 20 jir, Rory, 17 jir iyo Poebe oo 14 jir ah, waxa uu ubadkiisa kula dardaarmay in ay aqoon bartaan, iskoodna u shaqaystaan si aanay ugu baahan hantidiisa.
Mr. Bill Gates waraysi lala yeeshay toddobaadkan waxa uu ku sheegay haddii uu hantidiisa uga tago ubadkiisa inay ku kharribmayaan, noloshoodana caqabad ku noqonayso, waxaannu tilmaamay in go’aankaas ay la qateen.
“Waligood sabool ma noqonayaan, carruurteennu waa in ay waxbarasho helaan iyo waxooga lacag ah si aanay u sabool u noqon, kadibna waa inay guriga ka tagaan oo ay shaqaystaan. Carruurta uma fiicna in lacag badan iyo hanti badan looga tago. Waxa ay kharribtaa wax kasta oo ay qaban kari lahaayeen amma ka horistaagta inay hammigooda ku guulaystaan oo darriiq jeexdaan. Lacagtan waxaan ugu deeqay dadka saboolka ah. Way og yihiin arrintaas, waanay ku faraxsan yihiin. Safarada way noo racaan si ay u arkaan shaqooyinka aan qabanay,” ayuu yidhi Bill Gates.
Sida warbixin lagu soo saaray waxa hantida bilyaneerkan badankeeda la gelin doona sadaqo, gaar ahaan hay’adda Bill and Melinda Gates Foundation, taasoo inta badan caawimo ka geysata mashaariicda waxbarashada iyo caafimaadka ee adduunka oo dhan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post