X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Galaalafay Xero Ciidamada AMISOM Ku Lahaayeen Duleedka Muqdisho Khasaaraha Dhimashada Ku Dhowaad 50 Askari

Mogadishu(ANN)Al-shabaab ayaa galalaftay xero Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ku lahaayen duleedka magaalada Muqdisho, taas oo ku taal Leego oo qiyaastii 62 miles Woqooyi galbeed kaga beegan Muqdisho. Ku dhwaad 50 ka md ah ciidamada AMISOM ayaa ku dhintay weerarkaa oo Al-shabaab kula wareegtay gacan ku haynta goobtaa sida ay wakaaladaha wararka u sheegeen dadka deeganku. Cali Nuur Maxamed oo ka mid ah Odayaasha deegaanka ayaa u sheegay wargeyska The guardian in ay A-shabaab la wareegeen xeradaa kadib weerar saacado socday oo ay ku dileen Askar baddan oo ka tirsan Ciidamada AMISOM ee deganaa xerada.kadib qaraxyo waaweyn iyo weerar wada socday oo ka dhacay halkaa.

Warar kale ayaa sheegaya in ay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada AMISOM nolol ku qabteen, isla markaana goob fagaare ah kala hadleen bulshada deegaanka, iyadoo aanay jirin warar si dhab ah u sheegaya xaalada dhabta ah ee goobtaa oo dagaal culus ka dhacay, kaas oo noqonaya weerarki ugu khasaaraha badnaa ee ay u geystaan ciidamada AMISOM dhawrkii bilood ee u danbeeyay, iyadoo weerarkan kusoo beegmay xiliga bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay Al-shabaab looga bartay inay kordhiyaan weerarada ay ku hayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Somalia.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post