X
    Categories: Warar

Doon Siday Tahriibayaal Gaadhaya 600 Qof Oo Ku Degtay Xeebaha Dalka Masar

Araweelo News Network

Qahira(ANN) Doon siday Tahriibayaal gaadhaya 600 qof, ayaa ku degtay Xeebaha Dalka Masar, sida ay sheegayaan warar hordhac ah oo laga soo xigtay saraakiisha Dalka Masar Doonta ayaa ku degtay xeebat magaalada Roozeta, iyadoo saraakiisha Dalka Masar sheegeen in lasoo badbaadiyay ku dhowaad 150 qof oo ka mid ahaa Tahriibayaashaa.

Sida lagu faafiyay Wakaaladda Wararka ee MINA, waxa ay saraakiishu xaqiijiyeen in 22 qof ilaa hada xaqiijiyeen dhimashadooda., isla markaana baadidoon loogu jiro sidoo ku dhowaad 400 qof geeri iyo nolol loo xaqiijin lahaa.

Dadka Tahriibayaasha ah oo aan weli la xaqiijin dalalka ay u kala dhasheen, waxa la xaqiijiyay inay ka yimaadeen Dalalka Masar Suuriya iyo Bariga Afrika, balse ma cada inay dadka Tahriibayaasha ah ku jiraan dad Soomaali ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post