X
    Categories: Warar

Ethiopia. Mudaharaadyo Rabshado Wata Oo Dhimasho Sababay

Araweelo News Network

Adis-ababa(ANN)Tobannaan kun oo dibad baxayaal ah oo ka soo jeeda qowmiyadda Axmaarada ayaa waxa ay ka qeybgaleen isu soo bax ka dhan ah dowladda Itoobiya.

Mudaaharaadka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada ku taalla waqooyiga dalkaas ee Gondar.

Dadka dibad baxaya waxay dalbanayaan in dowladda ay ka laabato go’aanka ay degmo gobolka Xamaarad ku taalla ay ku hoosgeysay maamulka deriska la ah ee Tigray.

Dowladda Itoobiya waxay sheegeysaa in inkabadan 10 qof ay ku dhinteen rabsho dhexmartay booliska iyo dadkii dibad baxayay.

Muranka iyo is hortaagnaanta ayaa soo taagnaa isbuucyadii la soo dhaafay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post