X
    Categories: Warar

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Laalay Mooshin La Doonayay In Lagu Fududeeyo Sidii Xilka Looga Qaadi Lahaa Maayarada Magaalooyinka

Hargeysa(ANN)Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa gaashaanka ku dhuftay mooshin la doonayay in wax ka bedel lagu sameeyo xeerka golayaasha deegaanka, kaas oo ujeedadiisu ahayd in la khafiifiyo tirada mudanayaasha golayaasha deegaanka ee doonaya inay Maayar xil ka qaadaan.
Fadhigii golaha wakiiladda ee maanta, ayaa lasoo dhigay mooshinkaa oo hore loogu soo gudbiyay, iyadoo ujeedadu ahayd in cod hal dheeri ah Maayarada Magaalooyinka golayaasha deegaanku xilka kaga xayuubin karaan si loo fududeeyo.
Golaha ayaa cod loo weydiiyay in wax ka bedelka xeerkaa la laalo iyo in la ansixiyo, waxaana gaashaanka ku dhuftay 25 xildhibaan oo diiday, iyadoo 21 u codeeyeen in la ansixiyo, waxaana ka aamusay 7 xildhibaan iyo guddoomiyaha oo aan codayn.
Mooshinka golaha wakiiladu gaashaanka ku dhuftay, ayaa gil-gilay Maayarada magaalooyinka oo ka cabsiqabay in haddii wax ka bedelka xeerkaa golahaa wakiiladu meel mariyo ay waayi doonaan si fududu xilalkooda.
Xeerka, ayaa golaha waliiladu wax ka bedel iyo kaabis ugu sameeyay markii ay golayaashii hore ee deegaanku ku mashquuleen xil ka qaadista Maayarada, taas oo sababtay inay kaga mashquulaan hawlihii ay bulshada u qaban lahaayeen sidii Maayar loo ridi lahaa, iyadoo aanay jirin ujeedo dhab ah oo ka danbaysaa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post