X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Oo Qaabiley Dhalinyaro Ku Guulaysatay Imtixaankii Hay’adda Shaqaaluhu Ku Qaaday Laascaanood

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley sodon dhalinyaro ah oo dhawaan ku guulaystay imtixaan ay ku galeen gobolka sool magaalo madaxdiisa laascaanood, kaasoo ay kaga mid noqdeen shaqaalaha dawladda Somaliland, markii ay ku soo baxeen kaalmihii laga rabay, waxaanay noqotay markii ugu horaysay ee gobolada Somaliland, marka laga tago Maroodi-jeex lagu qaado imtixaan shaqaale oo baaxdaasi leh, taasi oo ay suurogelisay hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland oo uu gudoomiye ka yahay sharmaake Axmed Muxumed Geelle oo ah wiil da’a yar oo madaxweynuhu xilkaas hay’ada shaqaalaha uu u magacaabay.

Dhalinyaradan oo maalmahan ku sugnaa caasimada ayaa nasiib u yeeshay in loo qaybiyo wasaaraddaha dalka oo ay ka mid tahay Madaxtooyada qaranka Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu kulankan uu u sameeyey da’a yartu uu ahaa mid dhiirigelin iyo dardaaran ah.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha mudane sharmaake oo kulankaasi ka hadlay ayaa yidhi “Madaxwayne kaalmahan shaqo ee aad soo dhawaynayso waxay fariin u tahay qiimaha shaqaalaha dawladu ku leeyihiin Somaliland, loona aqoonsan yahay shaqaale qiimo leh oo qaranka meel weyn kaga jira, farxad weyn ayay saaka u tahay dhammaan shaqaalaha dawlada oo dareemaya inay qiimo weyn ku leeyihiin dawladda aad hoggaamiso, kulankan uu idiin qabtay Madaxwaynihii ummadda u sareeyayna waxay muujinaysaa inaad qaranka si daacadnimo leh oo nafhurnimo leh oo hufnaan leh inaad ugu adeegtaan dalkiina iyo dadkiina”.

Madaxwweynaha oo ka hadlay kulankaasi ka dib ayaa weedho mahadnaq, dhirigelin iyo gubaabo ah u jeediyey da’a yartaasi waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay kulankan aad saaka iigu timaadeen idinkoo ah guulaystayaashii imtixaankii dhawaan lagu qaaaday magaalo madaxda gobolka sool ee Laascaanood, waxaan idinka rajaynayaa inaad dalkiina si daacadnimo iyo wadanimo leh ugu shaqayn doontaan insha Allaah, waxaan bogaadinayaa masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dawladda oo uu hormuud u yahay Guddomiyuhu, talaabadaas qiimaha leh ee ay qaadeen aad baad u mahadsan tihiin.” ayaa lagu yidhi qoraalkaa oo kasoo baxay Xafiiska Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post