X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo Digniin U Diray Dawlada Ethiopia

Araweelo News Network

Washington(ANN)Mareykanka ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay ee codkiisa ku biiriyay walaaca laga qabo xukunka degdega ah ee ay dowladda Ethiopia dalkaasi ku soo rogtay.

Arrintan ayaa timid kaddib markii dhawr bilood ay socdeen dibadbaxyo qalalaase watay oo loogaga soo horjeedo dowladda, kuwaas oo ay ku dhaqaaqayeen labada qowmiyadood ee ugu ballaadhan bulshooyinka dalka Ethiopia ku nool.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ka digay in dowladda ay cabudhiso dadka dhaliila, isagoo sheegay inay tallaabada noocaa ah sii xumeyn karto oo kaliya xaaladda haatan dalkaasi ka taagan.

Qeyb ahaan xukunka degdega ah ee ay dowladda Ethiopia soo rogtay ayaa waxaa ka mid ah milateri loo daadgureeyay magaalooyinka dalka iyo isu soo baxa dadweynaha oo la mamnuucay.

Boqolaal qof ayaa dhintay tan iyo markii ay dibadbaxyadu dalkaa ka bilowdeen Nofeembartii la soo dhaafay, dowladduna waxa ay qirtay in tirada dadka ku dhintay dibadbaxyadu ay sii kordhi karto oo ay gaadhi karto ilaa iyo 500.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post