X
    Categories: Warar

Muqdisho: Al-shabaab oo Qarax ku Khaarajiyey Sarkaal ka Tirsanaa Nabad-sugidda Soomaaliya

Araweelo News Network

Muqdisho (ANN)- Kooxda Al-shabaab ayaa qarax gaadhigiisa loogu xidhay ku khaarajiyey sarkaal sare oo ka tirsanaa Hay’adda Nabad-sugidda maamulka Soomaaliya badhtamaha magaalada Muqdisho duhurnimadii shalay.
Sarkaalka oo la odhan jiray Axmed Shuuriye, ayaa la sheegay inuu ku dhintay qarax loogu xidhay baabuurkiisa oo ku sugnaa meel ku dhow xarunta taliska guud ee ciidanka Nabad-sugidda ee magaalada Muqdisho.
Xoogagga Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa lagu dilay sarkaalka sare ee ka tirsanaa Nabad-sugidda maamulka Muqdisho, iyagoo hore ugu hanjabay inay weerarro qorshaysan la beegsan doonaan masuuliyiinta dawladda Soomaaliya iyo kuwa ajnebiga ah ee halkaas ku sugan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post