X
    Categories: Warar

Musharaxii Jagada Madaxweyne Ku Xigeenka UCID Oo Is Casilay Iyo Hoggaanka Xisbiga Oo Ka Hadlay

Hargeysa(ANN)Musharaxii madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID, Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan,ayaa gabi ahaanba iska casilay xilkii madaxweyne xigeen ee xisbiga Ucid. waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta Hargeysa ku qabtay.

Mudane Cabdirashiid, wuxuuna ku sababeeyay inuu xilkaa iska casilo eedo uu u jeediyay guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, isagoo ku dooday in xisbiga uu afduubtay guddoomiye Faysal, sidoo kalena waxa uu sheegay in musharax Jamaal ka gaabiyay hawlo uu sheegay in xisbiga lagu badbaadin lahaa, islamarkaana ay ku kala aragti duwanaadeen siyaasadda xisbiga ” Markaan arkay in Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigu ka gaabiyay ka qaybqaadashada Hawlaha Xisbiga, Kuna kala aragti Duwanaanay Jamaal, Waxaan Si rasmi ah iskaga casilay xilkii murashax ku xigeen iyo Xubinnimadii Xisbigaba,” ayaa yidhi, Cabdirashiid.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo masuuliyiin kale oo hawlo shaqo ku jooga magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, ayaa ka hadlay iscasilaadii uu saaka ku dhawaaqay murrashaxa Madaxwayne ku-xigeen ee Xisbiga Ucid.

Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bulshada Xisbiga UCID, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Ina Cali Cawar), ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kadib kulan albaabada loo xidhay oo ay wada yeedsheen Guddoomiyaha iyo xubno kale, waxaana sarkaalka la hadlay warbaahintu sheegay in aanay waxba ka jirin eeddaha loo jeediyay guddoomiyaha Xisbiga UCID, waxayna ku tilmaameen Musharaxa is casilay nin hawshiisa kasoo bixi waayay oo muddooyinkanba aan lahayn, isla markaana ka gaabiyay hawlaha shaqo ee Xisbiga.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post