X
    Categories: Warar

Muuse Biixi Oo Fariin U Diray Musharaxiinta Ku Loollamaya Musharaxa KULMIYE Ee Doorashada Madaxweynaha


Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa farriin baaq ah u diray murrashaxiinta jagada madaxweyninimo tartanka ugu jira ee ka qaybgalaya shirka Golaha Dhexe ee xisbigaas oo la qorsheeyey inuu qabsoomo 10 November 2015., kaas oo lagu dooranayo Musharixiinta uga qaybgelaya tartanka doorashada Madaxtooyadda ee loo qorsheeyay 3 April 2017.
Guddoomiye Muuse Biixi, wuxuu hadalkaa ka jeediyey xaflad qado-sharaf ah oo ka dhacday Hargeysa shalay, laguna muujiyey taageerada murrashaxnimadiisa, taas oo ay taageero ugu muujiyeen Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo Xubno ka mid ah golaha dhexe oo kasoo jeeda Galbeedka Magaalada Burco.

Mr. Bixii,waxa uu ka hadlay tartanka murrashaxnimada KULMIYE iyo saamaynta uu yeelan karo, isagoo kula dardaarmay kaadirka xisbiga inay midaysnaadaan oo aanay ku kala tagin xamaasadda dimuqraadiga ah ee caadada u ah reer KULMIYE.
โ€œShacabka Somaliland inuu KULMIYE oo keliya eeganayo waxaad ku garataa maanta dalka oo dhan Laas-qoray ilaa Saylac wuxuu hadal hayaa shirka golaha dhexe ee KULMIYE, xisbi kalena lama hadal hayo. Sidaa darteed, sidii caadada inoo ahaan jirtay dhammaanteen waxa innagu waajib ah xisbigu inuu tartamo oo qof kastoo golaha dhexe ahi xaq buu u leeyahay inuu tartamo, laakiin waa inuu noqdaa tartan nadiif ah, inteena iminka is raacsan waxaan farayaa inay ka ilaaliyaan wax xanaf ah tartankaa dhexdiisa, waa KULMIYE ee tartanku waa in aannu keenin xanaf ee waa in aynu isu soo hillowno, waa inuu tartanku ku dhammaado innagoo isku mid ah oo isjecel oo kaftamayna, taasina innaga ayey masuuliyaddu ina saaran tahay oo bilaabayna,โ€ ayuu yidhi.
Waxa kaloo uu caddeeyey inay soo dhawaynayaan murrashaxiinta kale ee loolanka ugu jira jagada madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa, waxaannu yidhi; โ€œRagga inala tartamaya waynnu soo dhawaynaynaa oo waa walaaladeen, waxaannu leenahay aynu u tartanno si nadiif ah oo qabow, marka uu tartanku dhammaadana innagoo KULMIYE ah oo midaysan ayeynu is raacaynaa, waa sababta ummaddu innagu aamintay ee ay hadda inoo hayso,โ€ ayuu yidhi Guddoomiye Biixi.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post