X
    Categories: Warar

Safaaradda Maraykanka Ee Kenya Oo La Weerraray

Araweelo News Network

Nairobi (ANN)Weerrar lagu qaaday dhismaha safaaradda Maraykanka ee Kenya, ayaa sababay khasaare, wararka ka imanaya Kenya ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday Afaafka hore ee dhismaha safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi.

Saraakiisha Booliska Kenya, ayaa sheegay in weerrarka qaaday qof ku hubaysan Tooreey kadibna ku weerraray Toorayda qaar ka mid ah ciidamada ilaalada ka ahaa albaabka hore ee dhismaha safaaradda.

Warbaahinta maxalliga Kenya ayaa xaqiijisay in ciidanka ilaalada ka hayay safaadda ay toogasho ku dileen qofkii weerarka middida ah la beegsaday shaqaalaha safaaradda, kaasoo sida ay wararka hordhaca ah sheegayaan ahaa 24 jir u dhashay Kenya, balse ma jiraan weli warar faahfaahsan oo kasoo baxay dhinaca Safaaradda oo sheegaya khasaaraha weerrarkaa.

Safaaradda Mareykanka ee Nairobi, ayaa heegan la geliyay ciidanka ilaaliya markii weerrarku dhacay, wuxuuna weerrarku kusoo beegmay, iyadoo digniinaha dalalka reer galbeedku kaga digayaan cabsida laga qabo weerraro ka dhan ah danaha reer galbeedka ay suurta gal tahay inay dhacaan.

.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post