X
    Categories: Warar

Shiinaha oo Dil ku Xukumay Xildhibaan Laaluush Qaatay

Araweelo News Network

Shanghai(ANN) Dawladda Shiinaha, ayaa xukun dil ah ku xukuntay xildhibaan Bia Enpei oo 70 jir ah, kana tirsanaa Golaha Sharc-dejinta, kadib markii uu qaatay laaluush aad u badan.

Xildhibaankan oo laaluushka uu qaatay aad u badnaa, ayaa xukunkiisu noqday dil, maadaama dalka Shiinaha masuulka lagu qabto laaluush amma musuqmaasuq uu xukunkiisa ugu yar yahay xabsi daa’in amma dil.
Waxa kaloo xukun kan la mid ah lagu fuliyaa masuuliyiin bahda caddaaladda ka mid ah oo lagu helo in ay laaluush ka qaateen dadka ay u kala gar naqayeen.

Qaaradda Afrika oo inta badan loo yaqaan qaarad uu musuqmaauqo hadheeyey ayaa xukunnada qofka musuqa amma laaluushka qaata iyo ka bixiya lagu ridaa ay yihiin kuwo aan ku filnayn, taasina ay keento in laaluush bixinta iyo qaadashadu kor u sii kacdo. Tusaale ahaan; hay’adda garsoorka dalka Nijeeriya ayaa la tiicaysa musuqmaasuq u dhaw in ay fadhiisabata sida Waaxda Adeega Qaranka (Department of State Service) warbixin ay diyaarisay dhawaan ku soo saartay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post