X
    Categories: Warar

Somalialnd: Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Ka Hadlay Bisha Barakaysan Ee ramadaan

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa ka hadlay curashada Bisha barakaysan ee la filyo, wuxuuna sheegay in aan meelna laga arag  bisha Ramadaan, waxaanu shaaciyey in la dhammaynayo 30-ka Bishan Shabcaan 1440-ka oo ku eeg maanta.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta  oo xalay u warramay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), ayaa sheegay in curashada bisha Ramadaan aan xalay  Jamhuuriyadda Somaliland meelna laga arag, sidaas darteed bisha Shabcaan ay 30 tahay, isla markaana habeen caawa oo Isniin ah ay Bisha Barakaysan ee Ramadaan Kow noqonayso  la soomi doono. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed wuxuu dadweynaha reer Somaliland ugu hambalyeeyey bisha Barakaysan ee Ramadaan oo uu u soo jeediyey in laga faa’iidaysto Fadliga Bisha Ramadaan, isla markaana la badiyo acmaasha khayrka leh si EEBE innoogu dambi dhaafayo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post