Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa ka hadlay curashada Bisha barakaysan ee la filyo, wuxuuna sheegay in aan meelna laga arag bisha Ramadaan, waxaanu shaaciyey in la dhammaynayo 30-ka Bishan Shabcaan 1440-ka oo ku eeg maanta.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo xalay u warramay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), ayaa sheegay in curashada bisha Ramadaan aan xalay Jamhuuriyadda Somaliland meelna laga arag, sidaas darteed bisha Shabcaan ay 30 tahay, isla markaana habeen caawa oo Isniin ah ay Bisha Barakaysan ee Ramadaan Kow noqonayso la soomi doono. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed wuxuu dadweynaha reer Somaliland ugu hambalyeeyey bisha Barakaysan ee Ramadaan oo uu u soo jeediyey in laga faa’iidaysto Fadliga Bisha Ramadaan, isla markaana la badiyo acmaasha khayrka leh si EEBE innoogu dambi dhaafayo.