Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay inay ciidammada ammaanku gacanta ku soo dhigeen raggii fuliyay dilkii labada sarkaal oo uu sheegay in loo hayo saddex ka mid ahaa kuwii fuliyay iyo tobban Nin oo gacansiin iyo tuhun loo qabtay oo baadhis ku socoto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin oo warbaahinta la hadlayay, isagoo ku sugan xafiiskiisa, oo ay weheliyaan Taliyaayaasha Ciidamadda Milateriga iyo Booilska, waxa kale oo uu sheegay in gacanta lagu hayo Afar gaadhi oo ay ku hawlgaleen iyo gaadhi markii hawlgalku dhacay gacan siinayay, waxaana uu sheegay in ay  ku socto baadhistii oo sharcigaa la hor geynayo.