Casablanca (ANN)- Xukuumadda Dalka Moroco, ayaa qorshaysay in ay dalalka Yurub u dirto ku dhowaad shan boqol oo Imam si ay muslimiinta ku nool dalalkaa ugala qaybgalaan bisha barakaysan ee fooda inagu soo haysa cibaadada.

Sida ay shaacisay maanta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Morocco , waxa ay wasaaradu qorshaysay in 422 Imams loo diro dalalka Yurub, si ay u helaan hanuun diimeed inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Wasaaraddu waxay sheegtay in bisha Ramadaan, oo bilawgeeda  la filayo Axadda ama Isniinta walaw sida ay sheegtay ay ku xidhantahay  aragtida bisha, waxana Culimadaa oo ah aqoonyahanno ku xeel dheer diinta dalalka loo dirayo ka mid ah Faransiiska, Beljamka, Talyaaniga, Spain, Holland, Jarmalka, Danmark, Iswiidhan, iyo wadamada kale, si loo hubiyo midnimada bulshada Muslimiinta ah ee ku nool dalalkaa iyo ilaalinta masaajidadooda dibedda.

Sidoo kale  wasaaradda ayaa sheegtay in Mas’uuliyiinta Morocco sidoo kale doonayaan in ay hubiyaan in dhaqdhaqaaqa masaajidadu ay ixtiraamaan sharciyada yurub.

Morocco waxa ay suuqa ka tababar u fidisay imaamyada islaamiyiinta ah ee ka soo jeeda Afrika iyo Yurub, waxayna tababarka ku tilmaantaa inuu yahay mid  ku saabsan waxa ay ku tilmaameyso Islaam qunyar socod ah.

Dhinaca kale tallaabada ay qaaday Moroco, ayaa kusoo beegantay, iyadoo sannadii u danbeeyay bulshooyinka Islaamka eek u dhaqan Yurub ay waajahayeen nacayb kaga imanayay dhanka xukuumaddaha ka tlaiyaa dalalkaa ee Kiristanka ah iyo shucuubta Kiristanka, waxaana bilihii lasoo dhaafay Moroco ay ka mid ahayd meelihii uu booqday March 2019, wadaadka  ugu weyn diinta Kiristanka ee Pope Francis, kaas oo la kulmay Boqorka dalka King Mohammed.