X
    Categories: Warar

Somaliland: Maxkamadda Sare Oo Go’aan Kasoo Saartay Dacwadii Mudda-kordhinta

Hargeysa(ANN)Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa go’aan kasoo saartay dacwad la xidhiidhay muran ku saabsanaa mudda-kordhinta hore ay golaha guurtidu ugu sameeyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda Somaliland, waxayna Maxkamadda sare go’aankeeda ku dhawaaqday maanta.

maxkamaddu waxay ku dhawaaqday in la qabto doorashada maadaxtooyada iyo baarllamaanka 28 bisha Maarso 2017.

Maxkamada waxa ay laashay heshiiskii saddexda xisbi ee Waddani, Kulmiye iyo Ucid ee dhigayay in doorashada la qabto December 2016.

Guddoomiyaha maxkamada sare garyaqaan Adam xaaji cali Axmed, oo ay hereero fadhiyaan toban garsoore ayaa fadhiga maanta kaga dhawaaqay go’aamada maxkamadu gaartay, kadib markii dhawaan madaxweynaha Somaliland uu u gudbiyay maxkamada inay muranka xilliga doorashada tafsiir ka bixiso.

Guddoomiyayaasha saddexda xisbi ee ka jira Somaliland oo maxkamada joogay maanta ayaa soo dhoweeyay go’aankan maxkamada sare.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post