X
    Categories: Warar

Soomaaliya: Diyaarado Duqeeyey Saldhigyo Al-shabaab ku Leeyihiin Jubbada Hoose

Araweelo News Network

Kismaayo (ANN)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaare ka dhashay duqaymo diyarado dagaal la eegteen fadhiisimada xoogagga Al-shabaab ku leeyihiin degaanno ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose ee koonfurta Soomaaliya habeennimadii Salaasada.
Diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn oo aan illaa hadda si cad loo ogeyn cidda leh, ayaa duqeymo xooggan ka fuliyey saldhigyada kooxda Al-shabaab ee ku yaal tuulada Galow-shimbir oo ku dhow degaanka Beerxaani oo qiyaastii 45km u jira magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose.
Weerarka ayaa tibaaxay inay duqaymahaas ku dhaawacmeen ugu yaraan saddex qof oo ka mid ah shacabka ku dhaqan tuuladaas, balse lama oga khasaaraha weerarradaas ka soo gaadhay xoogagga Al-shabaab ee ku sugan xeryaha la duqeeyey.
Hase ahaatee, qaar ka mid ah dadka degaankaas ayaa saxaafadda u sheegay in duqeymahaasi ku habsadeen dhowr guri iyo saldhig Al-shabaab ku leeyihiin tuulada Galow-shimbir.
Dhinaca kale, masuuliyiinta maamul-goboleedka Soomaaliya ee Jubbaland, ayaa shaaca ka qaaday in duqaynta ka dhacay degaanka Galow-shimbir lagu dilay saraakiil iyo xubno ka tirsanaa Al-shabaab, inkastoo aanay sheegin tiro rasmi ah.
Ma jiro wax hadal ah saraakiisha Al-shabaab ka soo saareen duqaymaha cirka ee lala beegsaday xeryaha dagaalyahannadooda ee ku yaal koonfurta waddanka colaaduhu aafeeyeen ee Soomaaliya.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post