X
    Categories: Warar

Wadamada Bariga Afrika Oo U Ololaynaya Sidii Afka Sawaaxiligu U Noqon Lahaa Luqadda Rasmiga Ah Ee Midaysa

Araweelo News Network

Nairobi(ANN)Sharci-dejinta Ururka Midowga dalalka Bariga Afrika ee EALA (East Africa Legislative Assembly), ayaa ansixiyey qaraar ay ku oggolaadeen in luqadda sawaaxilligu (Kiswahili) noqoto afka koowaad amma rasmiga ah ee bulshooyinka waddamadaasi ku wada hadlaan.
Luqadda sawaaxilliga waxa ay noqon doontaa hadda wixii ka dambeeya afka rasmiga ah ee dalalka bariga Afrika, kadib markii sharci-dejinta ururka EALA ka doodeen, gaar ahaan saddex xildhibaan oo ka kala socday wadammada Tansaaniya iyo Kenya oo mooshinka arrintaas horkeenay golaha, waxana afka Kiswahili laga isticmaali doonaa kulammada iyo shirarka dalalkaasi yeeshaan.
“Waa soo jeedintayada in madaxda Qarammada Bariga Afrika ee EAC ay oggolaan doonaan mooshinkan lagu doonayo in wax lagaga beddelo heshiiskii dalalka bariga Afrika (East Africa Countries) u dhexeeyey oo ah in Ingiriisigu yahay luqadda rasmiga ah ee ay ku wada hadlayaan.” Sidaa waxa tidhi Ms Shy Rose Bhanji oo dalka Tansaniya ka socotay.
Hore waxa u socday olole lagu doonayey in arrintan lagu horkeeno ka hor inta aannu qabsoomin kulan aan caadiga ahayn dalalkani ku yeelanayaan magaalada Dar es Salaam horraanta bishan September ee sannadkan 2016.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post