Araweelo News Network

calamadadalalkabarigaafrikaNairobi(ANN)Sharci-dejinta Ururka Midowga dalalka Bariga Afrika ee EALA (East Africa Legislative Assembly), ayaa ansixiyey qaraar ay ku oggolaadeen in luqadda sawaaxilligu (Kiswahili) noqoto afka koowaad amma rasmiga ah ee bulshooyinka waddamadaasi ku wada hadlaan.
Luqadda sawaaxilliga waxa ay noqon doontaa hadda wixii ka dambeeya afka rasmiga ah ee dalalka bariga Afrika, kadib markii sharci-dejinta ururka EALA ka doodeen, gaar ahaan saddex xildhibaan oo ka kala socday wadammada Tansaaniya iyo Kenya oo mooshinka arrintaas horkeenay golaha, waxana afka Kiswahili laga isticmaali doonaa kulammada iyo shirarka dalalkaasi yeeshaan.
“Waa soo jeedintayada in madaxda Qarammada Bariga Afrika ee EAC ay oggolaan doonaan mooshinkan lagu doonayo in wax lagaga beddelo heshiiskii dalalka bariga Afrika (East Africa Countries) u dhexeeyey oo ah in Ingiriisigu yahay luqadda rasmiga ah ee ay ku wada hadlayaan.” Sidaa waxa tidhi Ms Shy Rose Bhanji oo dalka Tansaniya ka socotay.
Hore waxa u socday olole lagu doonayey in arrintan lagu horkeeno ka hor inta aannu qabsoomin kulan aan caadiga ahayn dalalkani ku yeelanayaan magaalada Dar es Salaam horraanta bishan September ee sannadkan 2016.