X
    Categories: Warar

Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Oo Sheegay In Fidnada Dalka Ku Wareegaysaa Tahay Mucaardka Kuna Hanjabay Inay Tallaabo Ka Qaadayaan Deegaanka Ceel-Afweyn

Araweelo News Network

Hargeya(ANN)-Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye  ayaa ku hanjabay in xukuumaddu tallaabo ka qaadayso cida u hogaansami weyda go,aanada iyo waan waanta la doonayo in colaada soo noq-noqotay ee deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag lagu soo afjaro.

Wasiir ku xigeenka oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ay u baxeen deegaanka Ceel-afweyn oo mar kale colaadu dib uga bilaabantay.

Sidoo kale, wuxuu jawaab ka bixiyay dhawaaq kasoo yeedhay Xisbiga Mucaardka ee WADDANI oo guddoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Cito xukuumadda ku eedeeyay inay ku fashilantay daminta colaaddaa.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse oo ka hadlaya eedaha WADDANI, ayaa yidhi

“waxaan u malaynayaa fidnada inagu dhex wareegaysaa maaha xukuumaddee, waa Mucaaradka WADDANI, sababtoo ah Ilaa markii la sameeyay Xisbigaa, amma xukuumaddani jirtay wax wanaagsani kama  soo bixin Afka guddoomiyaha, waxaa Iskaga khaldamay mucaaradadii, wada noolaanshihii Iyo qaranimadii, waad ogaydeen, iyadoo aan kaanbayn jirin oo arintaasu taagan tahay, ayuu marayay Laascaanood iyo Ceergaabo, waad arkayseen isagoo Hay’addii dhamayd ee doorashooyinka leh kalsoonidaan kala nooqnaynaa, waxan u malaynayaa Guddoomiyuhu aad isuma dhegeysan” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wuxuu sheegay in xukuumaddu tallaabo ka qadaayso cida u hogaansami weyda dedaalka nabadeed ee laga wado deegaankaa, isagoo Mucaaradkana ugu baaqay Inay u tudhaan dadka maatada ah ee colaadu saamaysay.

Dhinaca kale, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse, wuxuu ka hadlay xildhibaano Iyo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland Iyo golaha deegaanka Berbera oo la hadlay todobaadkan warbaahinta, wuxuuna ugu baaqay in ay ku ekaadaan shaqadooda oo faraha kala baxaan Arrimaha Amaanka, isagoo xusay in xukuumaddu tallaabo ka qaadayso ciddii loo arko Inay fidmo ku lid ah nabadgelyada wado.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post