X
    Categories: Warar

Weerrar Lagu Qaaday Kaniisad Ay Leeyihiin Qibdiyiinta Kiristanka Ee Masar Oo Khasaare Dhaliyay

Araweelo News Network

Qaahira(ANN)-Sagaal qof ayaa ku dhimatay markii rag hubaysan ay weerareen kiniisad ku taalla koonfurta Qaahira, waxaana markiiba arrintaa ka jawaabay booliiska, sida ay saraakiishu Booliska Qaahira sheegeen.

Saddex ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen Boolis shaqo u joogay kaniisadda Mar Mina.

Mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday ayaa la dilay, suun kuwa qarxa ah oo uu xidhnaana  waxa lagu guulaystay in la kala furo, balse nin kale oo hubaysan ayaa ku guulaystay in uu goobtaasi ka baxsado.

Laamaha ammaanka ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay qorshe ay ku sugayaan ammaanka xilliyada loo damaashaadayo sannadka cusub iyo Ciidda Qibdiyiinta Kiristanka ee Masar.

Waxaana tallaabooyinkaas ka mid ahaa in la hawlgaliyo ciidammada xaaladaha degdegga ah ka jawaaba iyo qalabka lagu cunaqabateeyo isgaadhsiinta oo dhan.

Weerarka Jimcahan ayaa u muuqda in uu ka dhacay markii booliis roondo ku samaynaya kiniisadda ay arkeen labo nin oo u dhaqmaya si laga shakiyo, sida ay ku warramayso weriyaha BBC-da Radwa Gamal oo Qaahira ku sugan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post