Araweelo News Network
Qaahira(ANN)-Sagaal qof ayaa ku dhimatay markii rag hubaysan ay weerareen kiniisad ku taalla koonfurta Qaahira, waxaana markiiba arrintaa ka jawaabay booliiska, sida ay saraakiishu Booliska Qaahira sheegeen.
Saddex ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen Boolis shaqo u joogay kaniisadda Mar Mina.
Mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday ayaa la dilay, suun kuwa qarxa ah oo uu xidhnaana waxa lagu guulaystay in la kala furo, balse nin kale oo hubaysan ayaa ku guulaystay in uu goobtaasi ka baxsado.
Laamaha ammaanka ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay qorshe ay ku sugayaan ammaanka xilliyada loo damaashaadayo sannadka cusub iyo Ciidda Qibdiyiinta Kiristanka ee Masar.
Waxaana tallaabooyinkaas ka mid ahaa in la hawlgaliyo ciidammada xaaladaha degdegga ah ka jawaaba iyo qalabka lagu cunaqabateeyo isgaadhsiinta oo dhan.
Weerarka Jimcahan ayaa u muuqda in uu ka dhacay markii booliis roondo ku samaynaya kiniisadda ay arkeen labo nin oo u dhaqmaya si laga shakiyo, sida ay ku warramayso weriyaha BBC-da Radwa Gamal oo Qaahira ku sugan.
You must be logged in to post a comment.