X
    Categories: Warar

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Oo Sheegay In Sucuudigu Aanu Diyaar U Ahayn Heshiiska Dalka Qadar

Araweelo News Network

Rex Tillerson

Dooxa(ANN)-Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Rex Tillerson ayaa sheegay in dawladda Sucuudigu aanay diyaar u ahayn heshiis dhexmara dalka Qadar si loosoo afjaro xiisada Dalalka Khaliijka.

Rex Tillerson, ayaa hadalkaa ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa, wuxuuna tilmaamay aanu rajo buuxda ku qabin inay Dowladda Sacuudigu doonayso inay Wada-xaajood ka galan xalinta Khilaafka Khaliijka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Rex Tillerson waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in aanay iyagu  wada-xaajood ku khasbi Karin dad aan diyaar u ahayn inay wada hadlaan.

Bishii June 5-dii ayay Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar xidhiidhka Diplomaasiyadeed u jareen dalka Qatar, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto Kooxaha loogu yeedho Argagixisadda, balse dawladda Qatar wey beenisay eedaasi, waxayna xulufada sucuudigu soo saartay qodobo ay shuruud uga dhigeen heshiis dhexmara dawladda Qadar, kuwaas oo Xukuumadda Qadar ganafka ku dhiftay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post