X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Fannaanad Doonaysay Inay Soo Bandhigto Caweys Lala Xidhiidhiyay Dhaqan-xumo

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay sababta Gabadh Fannaanad ah oo lagu Magcaabo Nasteexo Indho looga joojiyay Bandhig Caweys heeso ah oo u qorshaysnayd inay habeenkii Axadda kusoo bandhigto Hargeysa, balse ay Ciidanka Amaanka Somaliland joojiyeen.
Gabdhaa Fannaanada ah oo lagu magcaabo Nasteexo Indho oo u dhalatay Soomaaliya, ayaa lala xidhidhiyay caweyskeeda mid aan waafaqsanayn shareecada iyo dhaqanka Bulshada, iyadoo lagu eedeeyay inay muuqaalo fawaaxish ah oo gef ku ah dhaqanka Bulshada iyo caqiidada suuban ku baahisay baraha Internetka, kuwaas oo ay hore ugu duubtay meelo ka baxsan geyiga Soomaalida.

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil, ayaa ka hadlay sababta looga mamnuucay gabadhaa inay dhigto Caweyska heesaha ay doonaysay inay ka qaado magaalada Hargeysa.

Halkan ka Daawo Wasiirka oo ka Hadlaya arrintaa iyo arrimo kale oo dhaqanxumo ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post