X

Dawlad Afrikaan ah oo Hawlgelisay Maxkamadda loo Yagleelay in Lagula Dagaalamo Musuqmaasuqa

Araweelo News Network

Maxkamad muddo badan hawsheeda ay ku jirtay dawladda Tansaaniya ee bariga qaaradda Afrika inay ka shaqaysiiso oo ku saabsan dambiyada dhaqaalaha, musuqmaasuqa iyo kuwa abaabulan ayaa markii ugu horraysay laga hawlgaliyey magaalada Dares Salaam maalintii Khamiista ee toddobaadkan.
Xukunka ugu horreeyey ee lagu dhegaystay waxa uu ku saabsanaa saddex qof oo loo xidhay, xukunnada lagu ridday bishii October, 2016, iyadoo kiiskooda ay qaaday Maxkamadda Kisutu. Waxa dadkaas lagu haystay in ay qarsadeen shandad ay ku jirtay lacag dhan 1.5 bilyan shillinka Tansaaniya ah.
Dadka dambigan dhaqaalaha ku saabsan lagu eddeeyey waxa ka mid ah haweenay waddanka Shiinaha u dhalatay oo lagu magacaabo Fu Chang Feng iyo muwaaddin Hindiyaan ah oo Ally Raza la yidhaa. Waxa kaloo ku weheliya dambigan Jeremiah Kerenge oo Tansaaniya u dhashay.
Maxkamadda oo kiiskan loo soo gudbiyey Khamiistii waxa ay noqon doontaa mid lagu dhegaysto dambiyada musuqmaasuqa la xidhiidha iyo kuwa kale ee xatooyada amma khiyaamada abaabulan ee dhaqaale ku saabsan.
Waa markii ugu horraysay ee Maxkamadd La-dagaallanka Musuqmaasuqa laga hirgeliyo dalkan, kadib markii la aasaasay bishii July ee sannadkan, arrintan oo daba socotay go’aan Madaxweyne John Magufuli ugu gudbiyey xeerka aasaasidda maxkamaddan Golaha Barlamaanka Tansaaniya si dalkaas looga tirtiro musuq aad ugu baahay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post