Araweelo News Network

maxkamadMaxkamad muddo badan hawsheeda ay ku jirtay dawladda Tansaaniya ee bariga qaaradda Afrika inay ka shaqaysiiso oo ku saabsan dambiyada dhaqaalaha, musuqmaasuqa iyo kuwa abaabulan ayaa markii ugu horraysay laga hawlgaliyey magaalada Dares Salaam maalintii Khamiista ee toddobaadkan.
Xukunka ugu horreeyey ee lagu dhegaystay waxa uu ku saabsanaa saddex qof oo loo xidhay, xukunnada lagu ridday bishii October, 2016, iyadoo kiiskooda ay qaaday Maxkamadda Kisutu. Waxa dadkaas lagu haystay in ay qarsadeen shandad ay ku jirtay lacag dhan 1.5 bilyan shillinka Tansaaniya ah.
Dadka dambigan dhaqaalaha ku saabsan lagu eddeeyey waxa ka mid ah haweenay waddanka Shiinaha u dhalatay oo lagu magacaabo Fu Chang Feng iyo muwaaddin Hindiyaan ah oo Ally Raza la yidhaa. Waxa kaloo ku weheliya dambigan Jeremiah Kerenge oo Tansaaniya u dhashay.
Maxkamadda oo kiiskan loo soo gudbiyey Khamiistii waxa ay noqon doontaa mid lagu dhegaysto dambiyada musuqmaasuqa la xidhiidha iyo kuwa kale ee xatooyada amma khiyaamada abaabulan ee dhaqaale ku saabsan.
Waa markii ugu horraysay ee Maxkamadd La-dagaallanka Musuqmaasuqa laga hirgeliyo dalkan, kadib markii la aasaasay bishii July ee sannadkan, arrintan oo daba socotay go’aan Madaxweyne John Magufuli ugu gudbiyey xeerka aasaasidda maxkamaddan Golaha Barlamaanka Tansaaniya si dalkaas looga tirtiro musuq aad ugu baahay.