Araweelo News Network

muse biixiHargeysa (ANN) Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isbarbardhig ku sameeyey astaamaha ay wadaagaan ciidammada qaranka iyo ciyaartoyga kala duwan ee kubadaha ciyaaraha.
Guddoomiye Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey kulan casho sharaf ahaa oo Madaxweyne Siilaanyo xarunta Madaxtooyada ugu sameeyey ciyaartoyga gobollada dalka u kala matalaya tartanka ciyaaraha kala duwan ee Gobollada habeenimadii Axaddiisa, waxa uu ka sheekeeyey xidhiidhka ka dhexeeya labada xirfadooda ee askarinimada iyo ciyaaryahanka iyo weliba waxyaabo badan ka wadaagaan dhinacyada hab-dhaqanka iyo xil-gudashada.
“Ciidammada iyo ciyaartoygu waxay wadaagaan waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin; waa labada mar walba sida astaanta Qaranka oo askarigu waxa uu laabta ku sitaa astaanta Qaranka, ciyaartoyguna meesha uu tagaba iyo guusha uu gaadhaba wuxuu huwadaa calanka Qaranka, waa labada qolo ee aroor kasta sameeya orod, jimicsi iyo adkaysi jidhka ah, iyagoo u samaynaya inay guul qaranka u soo hooyaan, ciidammada iyo ciyaartoygu waxay wadaagaan hoggaaminta oo ah in qofka kaa ra’yi duwan ama aan aqoonin waxaad doonayso inaad samayso aad ogolaysiiso waxaasi isagoo aanad ku diriqiyin ee raali ah, tababaruhu ma uleeyo oo ma xidho ciyaartoyga marka uu kubadda barayo haddana siidhi yar buu ku dhuftaa oo isagoo ku qanacsan markuu wax u sheego ayuu qaataa, sidoo kalena askariga ninka madaxdiisa ahi isagoon ciqaabin ayuu yidhaa kac oo gal dabkaa soo dhacaya ciidanku ha nabadgalo oo qaranka ha lagu ilaaliyee, dabadeedna isagoo ogol ayuu galaa dabkaa oo uu ku dhintaa,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi, waxaannu itaa raaciyey isagoo sii wada astaabamaha kale oo ka dhexeeya askariga iyo ciyaartoyga, “Waxa kaloo ay ciidammada iyo ciyaartoygu wadaagaan adkaysiga macnawiga ah iyo adkaysiga jidhka ah, ninka askariga ahi wuxuu ku talogalaa inuu qaato inta ugu badan ee bani’aadam dhib qaato oo uu tababarto si uu qarankiisa u difaaco, ciyaartoyguna isagoo doonaya inuu qarankiisa magac u soo hooyo ayuu ku jabaa ciyaarta oo hadduu doono ku laxaad beelaa oo uu madaxu ku dillaacaa oo uu raali ku yahay si uu calanka qarankiisa uga qaado garoonka uu joogo, waxay wadaagaan xil-gudashada waajibaadka oo la baro askariga iyo ciyaartoyga oo aad u gudato sida saxda ah xaalad kastoo aad ku jirto oo khatar ama dhibaato naftaada ku ah, waxay wadaagaan go’aan qaadashada oo ninka ciyaartoyga ahi marka uu kubadda laadayo iyo ka uu u dhiibayo waa ilbidhiqsiyo dhexdood oo intaas ayey guushu ku jirtaa, askariguna sidoo kale ilbidhiqsi ayuu fulin karaa wax qarankiisu uu ku badbaado ama uu ku rogmado isagoo awooddaa go’aan qaadashada degdega ah leh, waxa ka dhexeeya adkaysiga hawsha, xil-wareejinta oo ciyaartoyga marka uu tababarihiisu ka soo saaro garoonka wuu baxaa, askariguna halka uu joogo saacad kastoo ay tahay marka la yidhaa dhaqaaq ayuu dhaqaaqaa.”
Waxa kaloo murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE uu ugu baaqay ciyaaryahannada kubadaha kala duwan inay ogaadaan waajibaadka ka saaran qaranka iyo horumarintiisa, waxaannu yidhi, “Haddaba, haddaad is moodaysaan inamo yaryar oo kubad uun ciyaara oo madadaalo ah waxaad la siman tihiin jannanada darada sita, labadiinaba waxa la idinka rabaa hoggaaminta qaranka, adkaysiga, is-dhexgalinta dadka, la dagaalanka qabyaaladda, dhaqaalaynta waqtiga iyo adduunkaba, waana laba hay’adood oo aynu ku faanayno oo ku dhaadanayno, qarankuna wuu idiin ogyahay.”