Araweelo News Network

riigabiyahaHargeysa (ANN) Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa oo ka soo laabtay safar qaatay muddo saddex maalmood ah oo ay ku soo martay degaannada abaaruhu ka taagan yihiin ee bariga, ayaa sheegtay in Madaxweyne Siilaanyo amar ku bixiyey in riig biyo soo saara la geeyo degaanka Coodanle ee Gobolka Togdheer oo ay ku sugan yihiin dad iyo duunyo ka cararaya abaaraha kulul ee ka jira degaannadaas.
Wasiir Samsam oo hadal kooban ka jeedisay madasha riiggu ka dhaqaaqayey shalay, ayaa tafaasiil ka bixisay xajmiga abaaraha ka jira degaanada bariga Somaliland oo ay tilmaamtay inay xaalad culus ka jirto, isla markaana dadka ka kala qaxay gobollada Sanaag, Sool, Saraar iyo Saaxil isugu soo urureen degaanka Coodanle.
“Ilaahay (SWT) ayeynu ka baryeynaa inuu abaaraha innaga soo jabiyo oo uu raxmaad khayr qaba ina siiyo. Midda kale, markii aanu Madaxwaynaha uga warrannay xajmiga abaarta dhacday ee dalkeenna ka taagan oo waliba meesha Coodanle la yidhaa dad aad u fara badan oo isaga yimmi oo ka soo qaxay gobollada Sanaag, Saraar, Sool iyo Saaxil isugu yimaaddeen oo meel 8km oo isku wareeg ah ku urureen dad aad u fara badan oo degaannadaas ka soo wada qaxay oo aanay runtii meeshaasi qaadaynba, isla markaana iyaga iyo xoolahooda, carruurta iyo dadka waayeelka ahaaba la socdaan ayaa waxa yaraaday biyihii iyo booyadihii biyaha u gaynayey oo la kala waayey, waxaanna halkaas ka taagan biyo la’aan aad u ballaadhan,” ayey tidhi marwo Samsam Cabdi Aadan.
“Anigu shalay (Sabtidii) baan degaankaas ka soo noqday oo aannu gaadhsiinnay Madaxwaynaha markii aannu uga warrannay mushkiladdaas, waxana Madaxwaynuhu amray in riig la dhaqaajiyo oo degdeg loo geeyo deegaankaas, maadaama sarfaynkii (sahankii dhulka biyaha) la hayo.
“Markii uu amarkaas Madaxwaynuhu soo bixiyey ayaannu la xidhiidhnay shirkadda biyaha ka soo saaraysa halkaas oo iyaguna noo sheegay in 370 mitir lagu gaadhayo biyaha goob la eegay oo degaankaasi ku taal, markaa waxaannu insha Allaah rajaynaynaa in muddo laba toddobaad ah biyaha lagu soo saaro, inta ka horreysana aynu xukuumad ahaan biyaha booyadaha wadno oo dadka iyo xoolahaba lagu waraabiyo.”
Wasiirka Maaliyadda, ayaa sidoo kale sheegay in lagu dedaalayo sidii dadka iyo xoolaha degaannada bariga ee abaaruhu haystaan biyo loo gaadhsiin lahaa, waxayna tidhi; “Mida kale Ilaahay inaguma keenee haddii uu jiilaalku dheeraado oo uu roobku da’i waayo riig deegaanadaa abaartu ka jirto u shaqeeya laga maarmi maayo, markaa maanta (shalay) waxa dhaqaaqay riigga aad arkaysaan ee Madaxwaynuhu amray in degdeg loo gaadhsiiyo deegaanadaasi si uu biyo ugu soo saaro dadka halkaasi haraadku ku hayo, markaa Insha Allaah marka ay dadku helaan raashinka iyo biyaha waxaannu rajaynaynaa in raxmaadka Alle inoo yimaad, iyada ayuun baa haraadka iyo mushkilada lagaga bixi karaaye.”
Sidoo kale, waxa isaguna halkaas ka hadlay Mr. Khadar Cabdi Xuseen oo ku hadlayey magaca shirkadda riigga ceelka qodaysa, waxaannu yidhi; “Ilaahay ayeynu baryeynaa oo inaga dul qaadi kara abaaraha. Anigoo ku hadlaya magaca shirkadda Durdur Drilling Company waxaannu diyaar u nahay in aanu ka qaybqaadanno gurmadka iyo dedaalka loogu jiro badbaadinta dadkeenna, shirkad ahaanna way naga go’an tahay inaannu hawshaa degdeg u galno. Riiggani imminka waxa uu ka soo baxay tuulada la yidhaahdo Ceel-samir oo hore loo odhan jiray Ceel-xume oo aannu biyo fiican ka gaadhnay. Waxaannu sidoo kale kasoo baxnay Qabri-huluul oo aannu dadkaa ay maanta abaaruhu aafeeyeen ku caymadeen oo ay biyaha ka cabbayaan, Ilaahay-na waxaannu ka baryeynaa in ceelkan imminka ee Coodanle iyo jiiddiisa in isagana Ilaahay inoo fududeeyo inaynu degdeg biyo uga soo saarno isaga ayaa awoodda lehe,” ayuu yidhi.