Araweelo News Network

madaxweynekuxigeenka1Hargeysa (ANN)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka dhaawacmay misigta lugta bidixda, kadib markii uu ku siibtay marmarka gurigiisa caasimadda Hargeysa gelinkii dambe ee shalay.
Md. Saylici oo markii dhaawacu gaadhay la keenay cusbitaalka guud ee Hargeysa, isla markaana dhakhaatiirtu saareen sawirka lagu eego lafaha, ayaa xog kooban oo Jamhuuriya helay sheegtay in aannu wax jabniin culus ah gaadhin, balse uu jiro dhaawac dillaac ah oo ka gaadhay misigta lugta bidixda, waxana markiiba dib loogu celiyey gurigiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo oo ay wehelinayaan Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Md. Maxamed Muuse Abees, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md. Axmed Cali Axmed, ayaa guriga ku booqday Madaxweyne-ku xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) si ay xog buuxda uga helaan dhaawaciisa.
Madaxweyne-ku-xigeenka oo warbixin kooban siiyey Madaxweynaha iyo xubnaha la socday, ayaa sheegay in aannu wax dhibaato ah dareemin markii u horreysay ee uu marmarka ku siibtay, balse xannuun ku soo baxay markii dambe, isagoo xusay in aannu si iskii ah u kici karin amma u istaagi karayn haddii aan cid kale taageerin amma aan garbaha la qaban.

Waxa kale oo uu tilmaamay inuu la kulmay dhakhaatiir kala duwan oo qiimayn ku sameeyey xaaladdiisa caafimaad u sheegeen in aanu jirin dhaawac culus oo uu qabo, isagoo Madaxweyne Siilaanyo Ilaahay uga baryey inuu caafimaad sareecan ah siiyo ku-xigeenkiisa, una fududeeyo nabarka ka gaadhay misigta lugta bidixda.