Araweelo News Network

gabyaaNin gabyaa ahaa oo la odhan jiray Arthur Rimbaud, una dhashay dalka Faransiiska, aadna caan ugu ahaa suugaanta dalkaas iyo dunida meelo badan oo ka mid ah, ayaa markii uu dhintay qarnigii 19aad waxa xabaashiisa laga dul taagay taalo weyn oo dahab ah oo leh boosto waraaqaha loogu rido.
Taalada iyo boostadan isku jirta waxa ku dhex yaal sawirka gabyaaga oo laga sameeyey dahab, waxaana loogu talagalay in dadkii aadka u jeclaa ay farriimahooda ugu ridaan, xataa waqtigan xaadirka ah mar walba waxa lagu ridaa farriimo.
Degaanka French Ardennes oo u dhow xuduudka dalka Belgium ee qaaradda Yurub, waxa looga dabbaaldegaa maalinta gabyaagan u asteeyeen, kaasoo isagoo dhallinyaro ah geeriyooday 125 sanno ka hor (qarni iyo rubuc ka hor), gaar ahaan bisha November.
Inkastoo qoraalka gabayada Rimbaud shan sanno oo kaliya ay socdeen, haddana saamayntiisu waxa ay ku baaheen Faransiiska, gaar ahaan suugaanyahannadii waaweynaa ee laga bilaabo Picasso ilaa Bob Dylan oo ahaa hal-abuur weyn oo markii suugaantiisa loo soo bandhigay aad ula yaabay.
Waxa kaloo la yaabay rag qarniyadii dambe soo baxay oo gabyaagan ku sheegay inuu yahay nin shaqo aad u wanaagsan qabtay.
Mr. Rimbaud waxa uu qorista gabayada joojiyey 21 jirkiisii, waxaannu aakhirkii noqday ganacsade Itoobiya ka shaqaysta, balse ilaa hadda dadku waxay soo booqdaan taalada looga dhisay magaalada Charleville ee dalka Faransiiska, waana astaan muujinaysa jaahilno iyo diin la’aan.
Waxa aad loo tegaa degaanka Ardeness oo ah gobol amma degaan aad u dhuuban, laakiin looxa caan ku ah oo laba saacadood looga socdo magaalada Calais, waana goobta loogu tegayo gabayada cajiibka ah ee Gabyaagan ay dadkiisu aadka u qiimeeyaan.
Gurigii gabyaa Rimbaud ku barbaaray amma carruurnimadiisii joogay oo hadda la yidhaa La Mison dAilleurs (Gurigii Meesha Kale) waxa laga sameeyey laba saxaarad boosto ah, taasoo lagu riday waraaqo ay ku qoran yihiin gabayadiisu, sawir iyo garan. Waxa kaloo ku jira walxo kale oon la arag iyo waliba waraaqo aad u qurux badan oo la qoro xilliga dabaaldega gabayadiisa la sameeyo.
Gabyaagan waxa uu yaraantiisii ka cararay degaankiisa oo uu aad u nacay, gaar ahaan dhallinyarada tuulada oo ay col aad ah ahaayeen.