X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Lagu Giriifay Masuuliyiinta Uu Gollaha Wakiillada U Gudbiyay

Mudanayaasha gollaha wakiillada Somaliland oo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire, horgeeyay miisaaniyadda 2022, 27 December 2021, Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Gollaha wakiillada Somaliland, ayaa dib u celiyay dalabka Madaxweyne Biixi ku doonayay in lagu ansixiyo masuuliyiinta uu Afar bilood ka hor, taas oo ku beegan 2 September 2021.

Masuuliyiinta Madaxweynaha dib loogu celiyay oo tiradoodu dhantahay 14 masuul, waxa saaka fadhigii gollaha wakiillada lagu wargeliyay in maadaama ay masuuliyiintu mudda dhaaf yihiin, sida uu dhigayo qodobka 90aad ee Dastuurka lagu celiyo Madaxweynaha Jamahuuriyadda Somaliland.

Laxidhiidha: Madaxweyne Biixi Oo Xil Ka Qaadis Iyo Isku Bedel Ku Sameeyay Masuuliyiin Xukuumaddiisa

Sidaana waxa gollaha ku wargeliyay Guddoomiyaha gollaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif,oo guddoominayay fadhigaa, wuxuuna xusay Afar xubnood oo keliya cod loo weydiinayo gollaha, halka 10-ka masuul ee kale lagu celinayo Madaxweynaha.

Laxidhiidha: Ambasador Baashe Awil Oo Ku Gacansaydhay Xilka Madaxweynaha Somaliland U Magcaabay

Afarta masuul ee gollaha la horkeenayo ayaa kala ah Wasiirka wasaaradda horrumarinta Reermiyiga.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Shaqaalaha, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha iyo xubin ka tirsan Kommishanka Maamul wanaaga..

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post